Ninkii baa inta naxay, isagoo qaadan la’ hadalka Maryan tiri, hoos wuxuu ugu sii foorarsaday Maryan. Wuu ag fariistay oo inta garabka ka taabtay yiri, “Maryan, runtaa weeye oo way muuqataa in lagu dilaye bal hadda ka kac meeshoo xagga soo fariiso.”
Maryan baa naxdin boodday oo kurbasho bilawday kaddib markii gacanta ninku taabatay. Gacantiisa waxay u haysataa wax weynoo aad bay uga baqsanayd taabashaduu taabtay. Isaga waa ka besbeso iyadana waa ka baqdin culus.
Kor ayey u booddey oo laba saddex jeer inta sii ruqruqaansatay isa sare taagtay. Garbasaar ku sheeggii ay hullaabneyd bay, iyadoo bar aan dhaweyn taagan, isku sii daddey wejigana ku qarsatay. Toos umay eegin ninka wejigiisa ee hadba daymo gaabane si isu dabataal kalana go’go’aysa, iyadoo ishaafalato ay dan ka yare leedahay ku baaraysa, bay tuugaalaysi ku meermeereysay.
Isagii arag in qoftani fiigsan tahay, cabsi iyo xishood wax wadaba, mana uu mooga inay dhaawac tahay. Tan isaga ugu weynayd waa dhanka dembi-joojinta. Kama uu harine intuu ka daba tagey buu yiri, “Maryan aniga ha iga cabsan aabbahaa oo kalaan ahaye. Waxaan ku weydiinayaa i tus sida wax kuu gaareen.”
Maryan waxay aad uga qoomamaysnayd hadalkay horay u tiri oy isleedahay gooray noqotaba goor aan fogeyn baa laguu ciqaabi doonaa. Waxbana may tusine xaggaasay isu sii duuduubtay. Sheexa, baqdinta iyo gebi laabidda ka muuqatay waa mid aan sinaba tilmaan u lahayn.
Ninkii waxay la ahaatay inayn suuro gal ahayn hadal Maryan laga dhaliyaa. Wuxuu kaloo istusay inayn dacwoon doonin, maadaama ayn aqoon lana socon is dacweyntiyo shaqooyinka la xiriira. Sidaa daraaddeed ayuu inta isaga gaabsaday u goostay inuu iskaba shaqo tago, xaalkaasna siduu yahay u dhaafo.
Irriduu ka sii boodey isagoo iskula hadlaya, “belaayada sideeda u dhaaf. Tani mid wax og maahoo iyadoo meeleheedan taagan bay mantiyo berri iska biskoon doontaaye. Naag baastase maxaa ku diraye goradda u geliyey ruuxan baase baadida ah.”
Ninkii shaquu tegey, afadii reerku meeshay horay madaxa ula gashay bay weli laalaadsanayd, iyadoo aad isugu mashquulinaysa been ay aaminsanayd iyo arrimo la xiriira, Maryan iyana weli waxay la amakaagsanayd jiingadda hoosteedii iyadoo barar afkeeda qariyey bushimaheeduna wax kale u muuqdaan. Saacado badan ayaa tagey iyadoon wax iska warqabaa jirin.
Carruurtii dhammaan dugsigay aadeen mid yaroo darin u dhaweyd wax isku dhamooqaya mooyeene. Kaa yari waa kii ugu yaraaye aan weli socod baran. Wuu ooyayey cid la hadlaysaase ma jirto. ilmada, saxarka, ciidda iyo dhammaan rasnaantagoobtuu yaal ka muuqataa waa mid la yaab leh, hayeeshee waxaa hooyadii kaga weyn arrintay isla dedeysee been-abuurashada ah.
Maryan way maqlaysaa cunugga cawcawdiisa, jirtoo, necaybkay reerka u qabto daraaddii baacugayba kaga joogsan lahayd, aamusiis iyo koolkoolin iska daayoo, hadday ku nabad geleyso.
Cunuggii wuxuu xiiq-xiiq leeyaba, mardamboo saacada badani ka soo wareegeen markuu oohinta bilaabay ayuu inta tabar gabay oohin iyo dhaqdhaqaaqba seegay. Intuu awal waa firigfirig lahaa oo dhididayaye nuuxsan waayey oo qaboobey buu sidii Maryan inuu suuxo ku sigtay. Wax dhaqdhaqaaq ah wuxuu samaynayey neefsiga ciriiri iyo culays ku qaadanayey daalka haya daraaddii.
Meel dac aan doorin buu dhex dabbaalanayey.