Waddani iyo Waddaniyad, waxaa qorey Maxamed Mosal

“Waddani iyo Waddaniyad” waa labo magac oo aad iyo aad muhiim ugu ah mujtamac walba oo ku nool dunida, waxaana dhici karta in ayba aas aas u yihiin nooca xaalada nololeed, mida horumar ee ay ku noolyihiin iyo xitaa mida ah yoolka ay tiigsanayaan mujmacaasu. Hadaba intaanan dhex galin (Waddani iyo Waddaniyad) waxa ay yihiin bal aan marka hore qeexno waa maxahy Waddani iyo Waddaniyad kadibna aan ka jawaabno su’aalaha ah, maxay ku kala duwan yihiin Waddani iyo Waddaniyadi?

Hadaan nahay soomaali ma haysanaa dadkeedii? maxaa inaga maqan oo hadaan helno ay Soomaaliya u soo baxayaan dad ku sifaysan waddaniyiin?

Shucuubta aduunka heer keen kaga jirnaa xiligan marka laga hadlaayo waddaninimo? hada ka hor ma jiray xili ay soomaalidu ku sifaysnayd heer wadaniyad ah ama ay kaga jirtay liistka shucuubta waddaniga ah caaradka hore? Hadaan isku dayo inaan qeexo labadaa eray anigoo ku hormaraya Waddaniyadda waxaan ku qeexilahaa sidatan

(1)Waddaniyad:

Waddaniyad waa dareen ay ku dheehantahay dal jacayl,dad jacayl iyo udaacad noqosho Dalkaaga iyo dadkaagaba , adigoo rumaysan kuna kalsoon in aad ku taagan tahay wadadii saxda ahayd, ayna tahay wixii ugu fiicnaa ood ku dhaqaaqi lahayd xiligaas. Hadaba sifooyinkaas iyo qaar kale qofkii laga helaa waxay u dalacsiinaysaa inuu ku sifoobayo inuu yahay qof Waddani ah.

(1.1)Waddani:

Waddani waxaa ah qofka nool, waana xaalad dareen oo gudahaaga ku jirta ayna la socoto kalsooni iyo iimaan ah in aad ku taagan tahay waddo saxa dhankasta oo aad ka eegto.

kalsoonidaas aad kuqabto waxa aad tahay iyo waxaad samaynayso waxay horsed u noqonaysaa sifooyin kale oo lagu yaqaano qofka waddaniga ah kaliya waana kuwan:

Qofka waddaniga ahi wuxuu ka hormariyaa dantiisa tan dalkiisa iyo dadkiisa isagoo aaminsan tiisu inaysan kamaamin tan guud oo la helo

Waddanigu wuxuu ugu dulqaataa dalkiisa markuu caano yareeyo ama marxalad qalafsan uu ku jiro oo dalku aanu kusiin Karin waxyaalaha xiliga barisanmaaad ka aad ka heli jirtay ama aad uga baratay inaad ka hesho

Waddanigu isma waydiiyo dalkaagu muxuu kuu qaban karaa ama ku tari karaa? LAAKIIN taa badalkeeda wuxuu is waydiiyaa Dalkaaga maxaad u qaban kartaa adigu?

Waddanigu goobkasta oo uu joogo iyo nooc walba oo uu yahay (gude ama dibad, arday ama shaqaale, rag ama dumar) waa waddani waxaana lugu yaqaanaa in uusan ka marnayn farahana ku hayo wax dalkiisa iyo dadkiisa anfacaya mar walba si hagar la’aan ahna ugu shaqeeyo

        ……        

Haddaba su’aasha markiiba madaxaaga kusoo dhacaysaa waxay tahay sifooyinkaa aan kor ku soo sheegnay imisa ayaan leeyahay anigu? Waa su’aal noo furan dhamaanteen.(2)Jawaabaha su’aalihii aan hor ku soo xusay intooda kale (2,3,4, iyo 5) duuduub baan uga jawaabayaa anigoo kuhormaraya jawaabta su’aashii ahayd “Annaku hadaan nahay Soomaali ma haysanaa waddaniyada dadkeedii ?”

Waxaa hubaal ah inaan haysano dadkeedii, waxaa dhici karta in qaarkiin uu is wayiido Mosal muxuu ku xaqiijin karaa taas?. Waa su’aal meesha ku jirta mudanna inaan cadeeyo.

Waxaynu wada ogsoonahay ilaa iyo intii aanu ka soo gaarnay taariikhdii dadkii soomaaliyeed ee inaga horeeyay khaasatan xiliyadii gumaysiga madow iyo kan cadba ay dalkeena damaaciyeen in ay soo bexeen dad badan oo muujiyay sifooyinkaas aan kor ku sheegnay iyo kabadan ba, sidoo kale waxaa jira qaar maantadaan la joogo u guntan farahana ku haya arimo wadaniyadi ay ka muuqato miithaal ahaan hadaan xuso showr qof kaliya:

Ahmed Gurey

Sayid Maxamad

Dhalinyaradii SYC/ SYL

Kuwii naftooda u huray dalkooda xiliyadii gumaystaha halganka lugula jiray iyo kuwo kale oo badan…

Dadkaas waxaan wada ogsoonahay mid dantiisa gaarka ah kaliya u socday inuusan ku jirin go’aanadooduna waxay ahaayeen kuwo kusalaysan heer Soomaalia ama qaarkood kaba fog xitaa waxaana hubaal ah in ay tahay waxa aan u baahanahay hadda inaan ku dhaqaaqno kuligeen.