Iyadoo sidaa la yahay, ayaa goor dambay harkii tahay waxaa soo hor maray ilmihii dugsiyada jiray oo cunto iyo cabbid doonaya. Markay soo galayeenba waxay dooneen inay aashuunka ka cabbaan mise Maryan oon sinaba Maryantay yiqiineen u ahayn baa jikada dhagxaantaa salka ku haysa, ilmana indheheeda ku taagan, barar, jajab iyo dhiig qaar qallalay, qaar jiicame yahay qaarna weli qoyanyahay baa wejigeeda meeshii la eegaba laga arkayey. Dharkeedu kaba daranaa ilmihii intay qalbi daqdaqeen bay naxdin madaxa la wada laabeen oo awal oon baa hayayoo aroor bay ahaayeene dib isaga wada laabteen, kaddib markay niyaddaba siin waayeen goobtii aashuunku yiile Maryan yuuryurtay.Waa waqti maalintu horay u badatay ama markii inta qadada la isu soo laabto afka wax lagu dhufan jiray. Ilmuhu aad bay u baahnaayeen, dugsi bay ka soo rawaxeen oo baahi aad xad dhaaf u ah bay dareemayeen. Arke inaan wax daboo shidani jirin. Intay hadba dhan isu jiireen bay haddana iyagoo wax indha indhaynaya waxay u dhaceen qolkii waalidkood. Markay galeen ismay lahayn hooyadiin baa joogta, oo waxay iyada ku tirinayeen inay qada ku maqan tahay, ha yeeshee markay soo galeenba waxay isha ku wada dhifteen hooyadadood oo aan wax lagu sheego la garanayn. Intay wixii dhar cusbaaye ay lahayd soo wada saartay oo qaar huwatay, qaarna gurigii ku gogoshey bay haddana wixii barafuun meelahayiil waxay isku shubtiyo waxay ka dhigtay waxay cabto ama darbiyadiyo armaajooyinka ku duugto. Qofka wax kalaaba ka soo uraya. Ilmuhu markay soo galeenba hindhisiyo qufac bay bilaabeen. lyadii markay aragtay qufaca iyo hindhisaday inta ku soo boodey dibadda u jaftay iyadoo leh, “belo idin gurataye ka baxa, ka baxa meeshan duulal baa harsanayee yaa idiin idmay inaad soo gashaan? Socda, socda, oo ka dheeraada, intaan laydin ballayn ama laydiin kaaya darin.”
Waxaa markay leedahay waxay akhrinaysaa waxaan la aqoon,heeso iyo buuqna way iskula hadaaqaysaa.Ilmihii ayaa iyagoo qaadan la’aa waxay sheegeysiyo facaa’illadeeda, kana baqaya xarxaaradeeda dib isu shubay. Kamay dheeraane waxay is tubeen irridday ku jirtay iyadoo sidii u haashaarig leh bay irridiiba soo xiratay bukhuuriskeediina hoos ka miistay. Ilmihii oo si walba u yaabban, waxayeelaan iyo meelay wax kaqabtaanna la’aa ayaa isku wareegay. Labo saddex u muuqday inay u waaweyn yihiin ayaa inta is biday damcay Maryan inay wax weydiiyaan. Xaggeedii bay u soo dhaqaaqeen, kulligood iyagoon isu sheegin waxa niyaddooda ku weyn Maryan, in hooyadood dishey maadaama ay had iyo goorba arki jireen taa, waxaaseayan garanayn waa waxa hooyadood helay iyo meesha looga yimid. Aad iyo aad bay u yaabbanaayeen. Iyagoo si isu daba luudayo sidii wax Maryan ka naxayana iska dhigaya ayaa la dul yimid. Cabbaar baa iyadoon lala hadlayn layska dul taagnaa. Maruun baa kii u weynaa inta ku soo foorarsaday yiri, “Maryan, waa sidee, maxaa dhacay? Wax ma nooga sheegi kartaa dhibaatada meesha ka dhacday?
Maryan intay yare madaxoo xanuunayey dhaq-dhaqaaqunadhibayey kor u soo qaadday bay u hollatay inay hadasho. Afku aykala qaadeysay maahee waxaa xanuunay dibnihii dildillaacayebararku awdey, markasa hadalkii dib uga noqday. Ilmihiina ishay kuwada dhifteen, sida qoftani u dilan tahay. Madaxay inta gacmahawada saareen irridda dibadda ah boobeen. Maryan meesheedii bay, kama kicine, iska sii yuururtay. Ilmihii baa qaylo dhaamo waxay ugu tageen habaryartoodoo in cada u jirtey.
Q-24aad sheekada adeegto
