Iyagoo yaab iyo oohin la tiicayey gurigeedii u dheceen.Waxay ka soo dul dhaceen goob inta goglan tahay in muddo ahba, saddex beri ugu yaraan suxulku laabnaa lacag iyo caleenina ku rafaadsanaayeen. Dadka fadhiyey ma yaraynoo waxay ahaayeen tiro ka saddex iyo saddex, saddexda habaryartood ku jirtey waxay ahaayeen reer Soomaaliya, ha yeeshee, dibadda laga jiro, saddexda ninna waxay ahaayeen iska raga dhawaan yimide qaadkiyo lugtu qaali la ahaayeen.
Kii u horreeyay baa daf soo yiri isagoon waxba hoodi oran.
Maruun buu arkay isagoo bad dhex quusaya, meeluu ama ka noqdo ama wax ka yiraahdana ka taggan. Indhaha ayuu taagey. La arag siday inanka yar uga dhabaqday, badibase dadka meesha jooga waxba xil iskama saarin aan ahayn habaryartiye aad uga naxday, kaddib markay aragtay goob xilkeeda iyo weliba siday ugu yaacsan tahaye uu ugu yimid.
Intay hadba dhan eegtay oo inankii wejigaba siin kari weydey
bay inay is hagaajiso maagtay wayse ka dheerayd qof indha waalaha is asturi karaysa. Hadal bay diiddey. Habaryartu waxay is weydiisay waxa baase inta irridda ka furay inanka meesha ku soo kexeeeyey. May oga in bela kale waddo isaga.
Inankii intuu, isagood mooddo qof sakhrad la ciiraya, tillaabooyin aad u gaagaaban, qabqabow, aadna u qalqalloocan dib u sii
qaaday buu dibadda ku dhacay. Kuwii kaloo dibadda dhoobnaa
ayuu ka dul dhacay, waxba lama hadline iska sii dhaafay. lyagu
waxay u qaateen in habartood soo socoto oo uu kol hore soo
warsiiyey. Waxba kamay dambeyne, iyagoo iyadii hadba gadaal ka
jeeqaaqaya daymooyin badanna dib u tuurtuuraya, bay iska daba
shubeen. Mid uun baa inta garabka qabsaday weydiiyey, “Haye, habaryaro ma soo socotaa?.”
Intuu daymo yaabban daymooday indhahana ku gubey buu isagoon wax hadal ah oran afka u buurey. Kii su’aasha geystay arag in wax jiraan, mase yaqaan siday ahayd arrintu, iyo meeshay ka dhabaqsanayd, hadduu su’aale kale ku sii wadana wuuba ka cabsaday. Intay dhan walba ka dhabaqday bay cir iyo dhulba diidey. Ilmaha iyagoon da’doodu weyneyn ayay haddana u yaabbanaayeen una fakarayeen sidii dad inta waaweyn ay ku dhanaan tahay. Dhafooraday inta qabsadeen derbi aan gurigooda ka dheereyn fariisteen iyagoo abbahood ku sugaya. Goobtaasay isugu wada yimaadeen oo badidoodii falaad carruureed iska galeen intii yare waaweyneyd maahee intii kale.
Saacaddu qofna may sugeyne way iska socotey. Mar dambay duhur tahay, ayuu aabbahood soo muuqday…