Waraabaa ayaan yidhi
Haddaad igu ogaydeen
Baadida islaamkiyo
Anoo aaran geel cuna
Iimaan la’aantii
Alle Iga haddeeyoo
Astaqfurula baan idhi
Aamiin baanan kala baxay
Magacii Inkaarnaa!
Isagoo ujeedo leh
Orgibaa nin gawracay
Indhashuu usadhay laan
Waa amaanadaadee
Sii ilaali buu yidhi
Markuu tegay islaankii
Agagaas dhurwaagii
Amba-qaad talaabada
Hadba soo ogaal durug
Eeg-eeg hilbaha dagan
Ursay jeenyihii hore
Wuxu yidhi udgoonaa
Af balaadhan kala qaad
Carrab ooman soo saar
Awlalada ka leef-leef
Wuxu yidhi alleylehe
Oon xalaala baan helay
Aadbuu cantuugada
Adhaxda uga buuxsaday
Kolay araracdii tahay
Alamsay laf iyo jiidh
Inyar neefkii kama tegin
Duqa imashadiisii
Eedaysanihii bood
Oodiyo dhirtii jiidh
Erey baase laga qoray
Ku arooray maahmaah
Isagoo ordaayoo
Afar-qaadayuu yidhi
”Waxaad igu ogaataan
Wixii aan ahaan jiray”!!!!
Ibraahim Gadhle (AUN)
Kabanle