Q-26aad taxanihii adeegto

Mar dambay duhur tahay baa aabbahood soo muuqday. Waa la wada farxay sidii isagoo waxay tabanayaanoo dhan haddiiba goobtay joogaanku wada siinaya. “Alla waa aabbe, alla waa aabbe, alla waa aabbe, maxaa aabba ah maanta qado ma lehee! Maanta guriga qado ma leh, Makhaayaddaan ka qadeyn doonnaa, cunta la doonaa hadda anaa soo qaadaya, aniga bariis iyo hilib baan maanta cunayaa bay isku lahaayeen.

Iyagoo sidaa loo hadaaqayo ayaa aabbihii yimid, isagoo horayba ugu soo tala galay in wax jiraan, markuu ilmihiiyoo halkaa dhooban arkay. Meeshay fadhiyeen oo derbi gaabani ka dhisnaa hoosna lahayd buu inta soo dhex fariistay yiri, “haye maxaa dhacayoo guriga looga yimid maanta, mise waa la layrsanayaa? 

Hadalkii baa la kala heli waayey. Mid kastaaba dhankiisuu u doonay inuu u jawaabo, yawyow iyo sawaxan bay ka bixi weydey.

“Aabbe, aabbe, aabbe, Maryan waa dilan tahay. Hooyo aqalkii bay soo xiratay oo way noo diidday inaan u galo, way isla hadlaysaa cidina lama joogto. Maryan wax ku dhacay ma naqaano, bay iyagoo kala sugaya lahaayeen.

Odaygii inkastoo laysku buuqayey haddana garey ujeeddada ilmaha iyo waxa meesha ka jiraba. Intuu yare naxay buu yiri “waxaan idin weydiiyey wiilkii yaraa isagu xaggee buu yiil yaase hayey, ma Maryan mise hooyo?

Wiilkii yaraa markii la yiri baa lays wada dhugtay oo meel lagu sheego la garan waayey, maxaa yeelay, lama arag firaaqo lagu indha-indheeyana loomaba helin. Odaygii oo isagu ka fiijignaa asina wax u indha-indhaynayey ayaa ogaadey. Haddiiba wuxuu isha ku dhuftay Maryan oo maduxu weynaaday. Waxba indhaha kuma sii hayne dhan kaluu u rogey. Horay buu u sii tillaabsaday taasoo uu haddana arkay wiilkii yaraayee balanbalsan waxa lagu tilmaamana aan la garanayn.

Inta odaygii soo boodey buu inankii dul yimid, mise far garaarisa ma lehoo wuuba suuxsanyahay. Inuu dhintay iyo in kale ayuu is yiri kala hubi. Baacugtuu ka taabtay mise waa neefsanayaa. Urka ka soo haadayaa waa wax kale. Hareeruhuu eegay mise waxaa dul tuban ilmaha intoodii kale oo iyana kaba yaabban waxa inanka yar haysta. Horay Maryan, habarta iyo habaryartii baa uga yaabiyey, had­dana kii yaraa. Aad baa ilmaha gaajo u haysay, meelihii wax lagu karin jirey bay hadba inta daymo-daymoodaan haddana iyagoo niyadda ka gubanaya, cunta la’aanta muuqata darteed, is wada hiifayeen inay af labadii yeeraanna ku siganayeen.

Odaygii intuu isha mariyey ubadkii buu kii ugu weynaa ku yiri, “War inankan sida u dhaan bal aan tii baase dhashay eegee”.

Intaa markuu yirina inta istaagey buu qolkay joogtey aaday.

Inankii inanka loo direy wuxuu ka xishooday inuu xaar iyo mantag faraha la galo iyadoy niyaddiisa ku weyn tahay fekradda ah shaqooyinkanoo kale dheddigoodkaa lehoo ragga waa ku ceeb. Faruhuu ka deystay oo isagoo sanka taagaya wuxuu jeclaystay in inan yaree walaashiis ahee meesha taagnayd ay hawshaa gasho. lyadu awal diyaar bay u ahayd, ha yeeshee, markay maqashay in isaga loo xil saaray bay afka buurtey dhan kalena caasha saartay. Aad buu inta u eegay iyadii wuxuu ka sugey inay hawshaa qabato. Garbahay inta nuuxisay cod kajan ahna maqashiisay baysan uga debcin. Inankii isagoo wax uu yeelo la’ mudda in ahna iskataagnaa, buu markii dambe, ileen iyada waa ka weyn yahay kana xoog badan yahaye damcay inuu inanta xoog kaga shaqaysiiyo, “Naa maxaa dhacayood wiilka wasakhda uga bi’in la’ dahay. Hadda waa inaad shaqo ka qabataa, hadda intaan ku jeedo” buu yiri.