Dhaqankii colaadaha

Qabiil marka uu ku duulayo qabiil kale, rag lag lagu kalsoonyahay. Badanaa culimada reerka joogta, carruurta iyo waayeelka cadka noqday midkoodna lalama socodsiin jirin in reero islaameed lagu duuli rabo, sababtoo ah wadaad caabid ah marnaba raalli kama noqonayo dhiig islaam. Waana sababta culimada loogu daray liistada birmagaydada. Colka sida loo qabanqaabinayo, marka wax kasta loo dhammaystiro, waxaa loo akhrin jiray duco xirsi xidh iyo kuhaanba iskugu jirta oo loo yaqaan “Shankarroor”. Ciidanka duullaanka ah marka uu dhaqaaqo oo cabbaar sii socdo wuxuu dirsan jiray nin ama labo nin oo ilaalo ah, loona yaqaan “Ilaalo-geeriyaad” inta badan ilaaladaas oo kale waa la laayaa, waana sababta loogu magacaabay ilaalo-geeriyaad. Reerka lagu duulayo haddii ay ka war helaan duullaanka ku soo maqan ama ay digniin helaan, waxay sameeyaan “Maati-bax” maati-bax waa haweenka iyo carruurta oo meel amni ah la geeyo, wixi rag ahna wuxuu isku diyaariyaa dagaal. Meesha iyada ah ee la isku dagaali rabo waa “Af-dhiigo” sidaas ayaa loo yaqaan illaa iyo inta ay nabad ka noqonayso.

Qore Af-guun