Libta calafka loolida kalgacal lahashadii guurka
Anigoonan laabxaadhashada kugu lug goynaynin
Way kugu ladaan oo indhuhu kaama lalayaane
Lubigayga meel aad lushaan kuugu laasimaye
Lafta dhudhunka laydiga faraha laaxibnida qoorta
Lixaadkiyo jidhkaa laysku ladhay timaha laalaada
Luga socodka laafyada gacmaha guudka laba raaban
Libdha subax ah liishiyo adood laban ku moodayso
Waxaa tahay sidii laan janoy laydha galabeede…