Q-27aad taxanihii adeegto

Wiilkii wiilka loo dirayee meel aan dheerayn fadhiya ayaa kac maagay haddiibase gacan haliil

Inantii oon hadalkiisa dhego u daloola lahayn baa mar kale inta is gundhisay, afka marmaroojisey, iyadoo muuqaal naag mukur dhaanshey oo kale ka baaraysa waxay tiri, “m, m haye, haye isa soo waal waaba lagugu yaqaane adigu markii hawl lagu diraba Faaduma madaxa u geli, adeer adoon is waalin shaqadaada qabso, haddaad rabtidna iskaba daa, aniga maxaa iiga shan iyo tobana maanaa la ii dirayoo hadhow laygula xisaabtamayaa”. Hadalkaa markay leedahay waxay ka sii dheeraanaysay goobta lagu murmayoo waxay is leedahay waa intaasoo uu inta ku qabto wax kuu geystaa. Inankii arag in inantii uga baxday shaqadii la rabay, lagamana yaabo sida niyaddiisa ku weyn inuu Xaarfaraha la galoo walaalkiisa yar u miciino. Tan isaga culayska ku haysay waa odaygoo soo noqdoo xaarxaariya. Intuu fekeray buu ugu dambaystii wuxuu door biday xaarxaarada intuu xaar iyo matag faraha la geli lahaa hadhowna filkiis oran lahaa carruurtuu xaarka ka guraa sidii gabar adeegto ah.

Waa u dantii moognimiyo dhaqan xumo taasi. Wiilkii yaraaye weli jidhaantiisii dhex neefneefsanayaa wax u ciidma waa la’aa naf ku jirta iyo mid ka baxday toona ma leh waxaabase taa u dheerayd baahida iyo oonka hayey oohin iyo dhaqdhaqaaqba wuu gabay.

Odaygii waatuu sii dafdaf lahaaye, wuxuu gal maagay qolkii xaasku ku jirey mise waa xiran yahay. Wuu gargaraacay. Dhaqso loogama furin. Garaacii buu ku celceliyey mar dambaa irriddii la furay.

Meeshiiba dharaar cadoo kaley noqotay oo inta si fiican laysu arkay indhaha in cabbaara layska daawanayey. Mar uun dambuu inta xaggeedii u soo dhaqaaqay oo u yimi garabka ka taabtay hadalna wuxuu ku yiri, “Haye, hadda, bal iska warran?” Isaga waa ka kajan iyaduna waxay u qaadatay siday jeclayde ay door bideysay.

“Haa haa, nafta uun baa nagu jirta, waxaan sheegno garan mayno, oon baa na haya, waxaannuu cabnaaba waa barafuun iyo qaaca geedka khayraysan,” iyadaa waxaas lahayd.

“Naa maqal waligaa ha isu kay badine, waxaan ku weydiiyey wiilkagii yaraa xaggaad ku ogeyd, mase noolyahay?” Odaygii baa yiri.

lyadoo taa maqlaysa siday ahaydna u garatay bay haddana iyadoo hoos ka naxsan inanka iyo waxa laga sheegayana qaadan la’ walowba ay dan ama arrin taa iyada uga culus wadato waxay tiri, “yaah! ma annagad wax na weydiiseen! Dadka nool baa noole wax la cabbo ma haysaan? Na waraabsha waannu oommannahaye duco khayrku waa meeshiisa, wallee qof na nacay baan naga guuleysan”.

Isagii arag inay si walba uga muquuranayso, wax uu yeelana garan waa. Intaa uu ag taagnaa waxay hadba dhadhansi, ursasho iyo dul isaga shubid ku wada barafuunno tiro badnaaye guriga u yiil. Barnaamijkan horay ugu soo talo gashay, saakana fursad bay u heshay. “Haa, haa, dadka dadkiisa ha loo daayo, haddii kale annana waannu dhoofindoonnaa, wax baannu dhoofin doonnaa”. Waa hadallayday ku been heeseysay.

Markuu arkay inay diiddan tahay wax walba buu isagoo caro foodda ah dib uga soo baxay. Been inay gadayso kamay daahneyne si fiican buu u arkayey. Dhawr kol buu damcay inuu fara saaro haddana wuxuu ku deystay ama is tusey inay ku roonayd qaylo la’aan. Dibadda uu yimidba wuxuu isha ku dhuftay inankii yaraaye weli meeshii cirriqaya. Awalba waa xanaaqsanaaye intuu sii karay buu yiri “Aaway nijaaskaan iri wiilka sida u dhaan! Allaylehe maanta haddaad noolaatid anaan dad ahayn.