Baaqa Nabadda

Dhammaan umadda Soomaaliyeed waxaan xasuusinaynaa in loo baahan yahay, in aan ogaano in umad kastoo jirta dunada in mar ama marar taariikhdooda ka mid ah ay dagaallameen. Maalmo ka dibna ay xallisteen dhibaatadoodii, kadibna sida wada jir ah ay horay oogu dhaqaaqeen. Ummaduhu markii ay dagaallamaan waxay iskugu yimaadaan miiska wada hadallada ama wada xaajoodka iyagoo ka wada shaqaynaya sidoo loo soo afjari lahaa dhibaatada colaadeed ee dhextaala, loona abuuri lahaa nabad waarta. Haddaba waxaa isweydiin mudan sababaha aan la xallin la’nahay isfahan la’aanta ina dhextaalla muddada dheer haddaa nahay umad Soomaaliyeed.

Si aan u xallino dhibkeena, waxaan u baahannahay, in aan ogaanno Nabaddu in ay ku jirto gacanteenna loona baahan yahay in aan si wada jir ah ooga shaqayno. Laga soo billaabo wakhti dheer waxaan iskugu kaalmaynaa galdarrada, qabyaaladda iyo aflagaaddada la isku marinayo Saxaafadda. Waxaan u baahannahay in aan ogaanno, haddaan nabadda laga wada shaqayn oo aan la kala roonaanin in aynaan marnaba gaadhayn heshiis, maxaayeelay nabaddu waa hadyad ka imaata xagga Alle loona baahan yahay in in uu qof kasta ka billaabo naftiisa asagoo ammaan siinaya dadka kale.

Haddaa tahay qof ama koox raadinaya nabad, daacadna ka ah waxaa muhiim ah in aad ka fikirtaan marka hore sidaad nafta ooga dhigi lahaydeen mid dulqaad leh, kana hufan qabyaalad iyo daacadnimo darrada.