Q 32aad taxanaha adeegto

“waa sidee ma adoo kalaa shaah loo waayaa, keen bahalka! Oo maxaa dhacay maanta wajigaagu waa cayilan yahaye, ma adaa sidaa u cayilay mise wuxu waa bararoo waad jirran tahay”?
Maryan oo awalba qari is lahayd dhaawaca ka muuqday baa garbasaar ku sheegtay qabtay inta madaxa isugu keentay sidii qof xanaaqsan afka buurtey, intey is dabooli karteyna is dabooshey.
Inankii oo shaahii sidaa inta u keenay yiri, “Naa waa sidee, maxaa ku daaray”. Intaasna kuma deyne, maadaama meeshu cidla cidla ahayd, toos ayuu laabteeda u gacan togaaleeyey isagoo danaynayey laabteeda waxa ka buurbuuran taabashadooda. Maryan may sugine dib ayay u booddey taasoo keentay in termuus- kii la kala weydaarsanayey dhulka galo dabadeedna qarxo.
Maryan baa sidii termuusku u qarxay oo kale u qaraxday naxdin darteed. Madaxey qabsatay wax hadal ahna waxay tiri, “Alla ba’ay”, Ninkii waxaa sababay markuu arkay waxa dhacy ayuu hawl yaraan shaqadiisii dib ugu laabtay. Maryan si ay wax yeeshay garan weyday. Way tagi weydey illeen meelay aaddo garan maysee, oo joogi weyday illeen meesha wax uma yaalliine, “Xaggaan aadaa, maxaan yeelaa, alla anaa iska ba’ay maxaan u dhashoo la sii abuuray!” Maryan oo nafteeda hiifaysaa hadalladaa tiri. Aad bay u baqday ugana walaacday inay reerkii ku noqoto iyo in kale. Waxay tallantaba markii dambay iyadoo ka caga-taallaynaysa waxay goosatay inay guri baaskii dib ugu laabato. Waxay is tustay inay marmarsiino ay reerka kaga tagto u noqonaysa hadday tii hore wax ugu daraan, kaddib markay u sheegto in termuuskii oo shaahi ku jiraa jabay.
Gurigii bay timi iyadoo fara maran. Dad dhawr ahoo inankii iyada adeegsady ka mid yahay ayaa sugayey mar alla markay soo gashayba indhahaa lala wada raacay. Waxaa la qaadan waayey faro marraanteeda. Waa lays wada eegay. Waxa la hubi waayey meesha wax ka jiraan. Hoos ayaa layska wad hiifayaa, su’aalo in la weydiiyaana loo wada diyaaryahay. Inankii oo fahmiba la’ ayaa yiri, “Haye aaway wixii laguu diray mise adna ardooyin iyo mingis baad siisay!” lyadoo hadalkuba dhib ku yahay oo dhan ka baqaysa dhan kalena afku xanuunayo bay Maryan si qabow baqdinina ku jirto waxay u tiri, “Termuuskii waa jabay. Dhulkuu igaga dhacay isagoo shaahina ku jiro”. Hadalkaa markay leedahay way gariireysay, wadneheeduna xad dhaaf buu u garaacayey.
“Yaah! waa jabay aa! Dee hadduu jabay aduu kugu jabaye iska dhiib, weliba termuuska oo kaliya maahee shaaha lacagtiisana waa lagaa rabaa, aysan ahayn dushaaday ka go’an yihiin”, inankii oo giir iska kicinaya biriirta wejigiisa ka muuqatana aad mooddo dibi dibi u jicinaya ayaa hadallada geystey.
Maryan oo horay dhibtay reerkan ugala soo kulantay gocanaysa baqdinta haysaana kagaba gariirineyso ayaa hadba dhan eegtay indhahana ka guluc siisay. Wax hadala waxay ka kartay,” Anigu xaggee ka keenayaa wuuba jabaye”. Hadalkaa markay leed­ahay oohin bay qarsanaysaa.
“Qaw qaw, adigu ama is-bihinbihi ama beerka is gooyoo waxa lagaa doonayaa waa termuuskii iyo waxa kalood garaneysid,” wiilkii baa weli ku haysta.