AUN Cabdullaahi Suldaan Timacadde

Waa qayb ka mid ah gabaygii caanka ahaa ee (dugsi ma leh qabyaaladi…)

_Soomaaliyey dayaya wanaag idinka doorsoonye
_Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
_Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
_Degmadeena oo idil haddaan dayey abwaankeeda
_Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye
 …
_Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dix dhagaxeede
_Anuunbaa danqanayee dhaguhu uma daloolaane
_Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
_Bal inay dafoof tahay caqliga      dooni laga saaray
_Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye
 …
_Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
_Ooy duul walaala  ah tahay ooy duunka ka heshiiso
_Dadka kama yaraateene ways    dabar jaraysaaye
_Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa’in abidkiise
_Goortay is wada dooxatay baa   daad u soo geliye
 … 
_Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
_Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
_Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa dadaye
_Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
_Ninka duday distoorkiyo waxyiga diinta ka carrowye
_Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane…