Ka dheeraanshaha dadka balaayo sheegga ah, kuwa xanta badan iyo dadka macangagga ah. Dadka noocyadan ah wax aad ka faa’idi ma jiro.
Ka dheeraanshaha dadka, dadka kale ficilladooda jila.
Ka dheeraanshaha dadka calaacalka badan, inta qofku calaacali lahaa waxaa u dhaanta in uu xal uun raadiyo.
Ka dheeraanshaha dadka ka iimaan baxsan waxa uu Alle u hibeeyay. Waa in qofku ku qanacsanaadaa dalkiisa, dadkiisa, diintiisa, kheyraadkiisa iwm.
Dadka guulaysta nolashooda waxay ku xidhaan hadafkooda ee kuma xidhaan wakhtigooda. Wax kasta way isku dayaan in ay qabtaan iyaga oo aan wakhti u eegaynin. Wakhtigay seexanayaan iyo wakhtigay nasanayaan way u kala cayimanyihiin.
Marka aad asxaabtaada la cayaarayso kubbad, laandhuu iwm, waa marka aad is moodayso in aad ugu farxad badan tahay, balse waxaa kaaga sii faa’iido badan marka aad iskaa u shaqaysanayso, iskaa u fikirayso, iskaana aad u dadaalayso.
Dadka guulaystay ficilladee bay ka dheer yihiin?
