Odaygii waxna garey, walina si buu isugu murugsanaa. Goobtii buu muddo taagnaa isagoo hammiyaya aadna ay uga dhabaqsan tahay.
Inankii baa soo baxay, walowba uu awalba albaabka ku nabnaa hadalladii meesha ka dhacayeyna uu maqlayey, oo aabbihii isasoo ag taagey. Arag inay aabbihii ka dhaqabsan tahay, isna aad xog ogaal u yahay, inkastoo qoftu hooyadii ahayd nin aad u korranna uusan ahayn. Isagoo walaacsan buu aabbihii isa soo agtaagay wuxuuna u holladay inuu war siiyo. Aabbihii arag in inanka yari hadal maaggan yahay sina uu cabsanayo. Odaygiiyoo ay aad uga dhabaqsan tahay baa inta hadba dhan eegay, yarkiina inuu isku buuqsan yahay ka daahdaahay, qosol been ahna oodda ka soo qaaday yiri, isagoo inanka garabka haya, “haye aabbe, maxaad haysaa, maxaad oran lahayd, ma wax baad aragtay, bal ii warran?”
Yarkii oon weli hadlin aadse ula tiicaya war iyo xog warran baa waxaa irriddii ka soo baxday habartii masiibada ahayde weyneyd, iyadoo mooddo in la eryayo talaabaduna uga dhan tahay inay cararto. Markay agmaraysay bay si aad u degdegeysa u libiqsatay ishana balaq odaygiyo inankiisii ku siisay. Waxba masii daahine cagahay wax ka sii dayday.
Meeshii waxaa isugu soo haray reerkii guriga lahaa. Inankii oo hadalkii bilaabay, wuxuu yiri, “Aabbe inkasta oo qoftani hooyaday tahay haddana waa beenley khuraafaad iyo huuhaah aaminsan adigana dhibaatiyo qaxar kula dooneysa. Maanta intaad takhtarka ku maqnayd baa guriga waxaa yimid habartaa sii baxaysa iyagoon, i arkayn baan anna u kuur galay oo waxay ku sheekaysanayeen dhegta u dhigay.”
Inankii oo hadalkii wata baa aabbihiiyoo qaadan la’ warkan baylaha ah aad loogu baahnaa wuxuu yiri, “haye, haye ii warran, waligeyba waan ogaa inaad nin sidaa u war gala tahaye. markaa maxay is yiraah deen?”
Inankii baa haddana yiri, “horta hooyaday waxba ma qabto, maxaa yeelay, awal innaga waa inoo jirraneyd haddana mar alla markay aragtay habartaa bay inta soo booddey barafuun, lacag iyo waxyaalo kaleba siisay, qosolka iyo dhuxdhuxda ka dhacayseyna carraday ka badnaayeen. Adigay kuu tashanayeen.” Odaygii mar- kuu intaa helayba inta qancay buu go’aan iska gaaray ah: inuusan, ama ha is neefiso ama belaayo ha isku didisee, wax xiriir, talo, waano, daaweyn iyo shawr toona la yeelan ilaa ay iyadu si isu gasho. Intuu inankii madaxa u salaaxay buu yiri, “Aabbe, Alla kuma qaade hoo lacagtanoo shaah inoo soo qaad”.
Inankii inta hadalkiisii joojistey oo termuus qaaday buu shaah dooney. Markuu irridda ka sii baxayey buu wuxuu arkay Maryan sokadii jikada joogta. Intuu ku soo laabtay oo lacagtii iyo termuuskii isugu dhiibay buu ku yiri, “Naa hoo shaah makhaayadda kala kaalay”.
Maryan oo madax xanuunka hayaa tiro badnaa bararkiina weli saaran yahay baa waxba may diidine shaahii doontay.
Ka hor intayan makhaayaddii tegin bay sii martay islaan reerka la daris ahoo warwaraysan jirtey siday u nooshahay iyo waxyaalahay damacsanaydna weydweydiin jirtey. Islaantii bay u sheegtay waxa qabsaday iyo dhibaatada haysata haddaba, “Eeddo anigu waa dillahay ilkaa layga ridey, waxani waa barar. Anigu si aan yeelo garan maayo, meelaan aado ma aqaan, aabbahay wax iiga wargeeya garan maayo isagiibaaanaba hubin dhimayaa iyo noolaayaa; cid ma lihi, ciirsi ma haysto”.
Habartii oo aad u naxday baa Maryan ku tiri ‘‘reerkana isaga sii adadeeg, berri cusbataalka aad, aynuna iska war qabno, bal waa intaasoo aynnu ciirsi hellaaye”.
Maryan oo ilaa maanta cisbataalka si u illowsaneyd kabana cabsaneysey ayaa dhankaa yididiilo ka gashay. Intay sii baxday bay
shaahii doontay. Meelahaa markay marayso waxaysan ammaan ka helayn ina rag gaar ahaan kuwo da’deeda ahee meelaha ka dhow.
Makhaayaddii bay xagga gadaale inta madaxa ka soo dhiibtay tiri, “Shaah ma yaallaa, termuuskan ii buuxsha, toban koob buu qaadaaye”.
Inan xarago la tiicaya ayaa inta soo boodey yiri, “waa sidee ma adoo kalaa shaah loo waayaa, keen bahalka! Oo maxaa dhacay maanta wajigaagu waa cayilan yahaye, ma adaa sidaa u cayilay mise wuxu waa bararoo waad jirran tahay”?
Q-31aad taxanaha adeegto
