Caafimaadka waxaa u roon

In aad jiifto toddoba ama siddeed saacadood habeenki, Hurdada badan waxaa laga qaadaa caajis badan, hurda la’aanta badanna waxaa laga qaadaa cudurrada dhiig-karka, IWM. Sigaar ha cabbin, fikirka badan iska dhaaf, cuntada badan iska yaree (Baahi keliya uun cuntada u cun), Cibaadada badan siiba salaadaha habeennimo iyo ducooyinka oo xilli la hurdo aad badsato waxay yareeyaan walwalka nolasha, xanta badan iska ilaali, haddii kale dadka dhexdiisa farxad iyo kalsooni kama helaysid. Ha isticmaalin waxyaabaha kiniiniyada ah, adiga oo hurdo ka raadinaya ama dareen shahwo ka raadinaya. Haddii aad farxad rabto iska ilaali sinada, sida:- Iska keenidda biyaha shahwada, daawashada waxyaabah sinada ah, iska ilaali galmada aan xalaasha ahayn. Haddii aad doonto farxad, u dhaqan si daacad ah oo akhlaaq wanaag ah. Haddii aad rabtid in aad farxad ku noolaatid:- Nadaafadda ku dadaal sida, qabayska, Cadayga, dhar-dhaqaalka, is udginta, jaritaanka timaha iyo dhawridda nadaafaddooda. Jaridda ciddiyaha, xiiridda timaha qarsoon, isticmaalka waxyaabaha udgoon IWM waxaas oo dhan waxay ka qaybqaataan farxadda nolasha.