Q-30aad taxanihii adeegto

Habartii oo farxad ciiraysa ayaa orod ku soo gashay. Afadii reerkoo meel dhexe ku sugeysa inta laysu yimid laysku soo boodey oo dhunkashiyo waxaa laga bixi waayey hiih-hiih. “Haye, haye Shariifo, sow lama ladna, soo dhawow, soo fariiso. Adigiyo asxaabtaadiiba ilaa saaka waagu ka baryey waan idin sugayey, inaad imanaysaanna waan iska garanayey, maxaa yeelay, dad lala jiraa tihiinnoon waxba ka daahneyn” baa afadii tiri.
Habartii oo is buufinaysa, illeen way waddaaye, ayaa markay barafuunkii urisay intayn waxba hadal oran daaco iyo caac-caac bilowday si ay ugu sii dhuujiso. “Haah, allow ku magan caku iyo qofaan wax aqoon! Ma wax baa kugu soo kordhay waatanoo wanaag baa carfayee. Bal warrama, ilmihii ma hurdaan, odaygii mee?
Waxaad war haysid soo daa haddii meeshu firaaqo tahay aynu ka gaarsiinee”.
“Shariifo fariiso aynu shaah ama bun karsannee. Kee baad jeclaan lahayd”? Afadii gurigaa tiri.
“Bunkaa barako badanoo ducadu ku baxdaaye inoo samee, nabigu inuu cabbi jirey miyaadan ogeyn,” habar baastii baa tiri.
Afadii oo ogsoon inaan bun ool in la doono mooyaane baa hadba dhan eegtay oo istiri yaad u dirtaa. Way ogsoonayd Maryan inay meelaha joogto ayna ka diideyn ha yeeshee, si bay uga madax labaysay. Intay dhan kale ka keentay bay inanteedii toosisay oy tiri “Hooyo, ka kacoo waxaad ii soo gaddaa bun kuna soo dhaqso”.
Inantii yarayd waxba may daahine lacagtii bay inta la carartay haddiiba la soo boodday. Meeshii baa inta laga laacay wixii la cabbi lahaa xan iyo beensheeg la galay. “Waxaan u malaynayaa ciidamaa kugu soo kordhaye bal warran?” Habartii baa tiri.
“Haayoo laygu so koror belaayaduna iigama horreyn gabar xunoo ii adeegi jirtayoo aan saaka fara saaray. Si kastabase arrintu ha ahatee waataynu wax isla ogeyne sidee baan waxyeelaa. Maanta anigu marmarsiino aad meel mar u ah baa gacanta iigu jirta. Aan kuu sheegee saakaa waxaan diley dhoocishii xumayde baadida ahayd markaan dileyna si baan uga naxay taasoo aan u macneeyey ‘ in laygaga diday, ilaa markaasna laygu gaalliseyneyey isaga run baan uga dhigay walowba uu si u diiddanaa, waxaana hubaal ah inuu cid iigu maqan yahay ama waxa takhaatiirta la yiraahdo ha | ahaadeen ama ciidamo kaloo uu is yiraahdo ha la hadleene. Kol dhow wuu imanayaa. Nasiibse waxan ku leeyahay inaan adiga ku arkay ka hor intuunan cid iila iman. Talo waa sidaase maxaynnu yeeleynaa?” Afadii baa tiri.;
“Anigu hadda waan kaa tagayaa si aan laysugu keen arag, adna waxaad yeeleysaa waa inaad sidaa iyo si ka sii daran u miistid ood maankaba isaga qaaddid ilaa uu kaa tumo sidaynu dooneynana inoo noqoto. Maxaa yeelay, haddii uu taa ka gaabsado waxaa inoo cad inuu naagaha kalee rooxaantu sheegtay uu qabo adna iska kaa nacay. Maantaad haysaaye ha ka noqon. Markaad is waaleysid dhoocisha xun ku sanifo cayri si run looga sii dhigo arrinta. Haddana waxaad keeni kareysid keen khaliifaddii baan isla galabtaba aadayaa oo, arrintadana la sii socodsiinayaaye, si hadhow haddii loo yimaado ay jawaab hawlahaaga ugu hesho”, hadalkaa waxaa afuuftay habar baastii reerka ku gaalliseyneysay.
Afadii reerkaa inta kacday waxay furtay armaajo ku dhaweyd oo lacag isku duuban madmadowna u badan ka soo dhufatay. Waxba may tirine siday ahayd bay farta uga saartay habartii wax u quraameysay. Lacagtu ma yarayn iyagaana tay siinayso uga baahi badnaa. Carruurtay dhashaye markaa aan ka dheerayni aad bay u baahi iyo dayac kaleba qabeen.
Habartii oo niyadda aad uga faraxday baa iyana ma tirin lacag- tiye inta haddiiba hoosta gashatay quraankeedii beenta ahaa sii wadatay, “Allaahu masalli wasalli caleeh. waa hubaal inaad shafec-
sandoontid, qofkii sidaa khaliifadaha iyo diinta wax u taraa khayr iy janno ma waayo, barakadunagondihiisay hadiyogoorbaharsataa.”
Intay waxaa akhrinayso hoos bay haddana ka xisaabtamaysaa oo waxay is leedahay booyaalow lacagtani waa immisa kolleyba ma yareee, meeqaadse khaliifadda u geyn doontaa. Maxaase kaa galay kolley ka soo dhalaalisaye.
Intiiba waxa yimid irriddana ka soo sharqamiyey odeygii reerkoo takhtar wada. Mar alla markay sharqanta maqleen oy hubiyeen in laysu yimid baa afadii reerkuna is gagabisay oo intay afweynta goosatay sariirta isku ururisay iyadoo neeftuurka iyo hiinraagga ka baxaya aad mooddo qof naftu mar dhow deyndoonto, tii kalee baasina intay lacagtay ku mashquulsanayd meel lama arkaan ah ku sii hubsatay madaxa waxay qabatay afadii. Been aad u qurux badan baa si degdeg ah haddiiba loo rakibay. Iyadoo aad diyaar loogu yahay kol horena la is meeleeyey ayaa waxaa soo galay odaygii iyo takhtarkii. Indhaha ayaa laysla wada raacay bal in lays aqoonsado ama lays aqoonsan waayo. Afaduse kama qayb galinoo wayba madax duubnayd indhahana way jilladeysay.
Takhtarkii ayaa wuxuu fahmay in habarta meesha taagani ayn mid khayr qabta ahayn maxaa yeelay horay ayuu u soo arki jiray beelo badan oy gubteyna wuu u soo taagnaa. Intiiba waxaa u dhaadhacay arrinta meesha taal. Intuu madaxa ruxay afkana marmaroojiyey oo yare gunuunacaad taah mooddo hoos u guuxay buu waxba ma joogjoogsane inuu baxo u qalab qaatay.
Ninkii reerka ayaa qaadan waayey oo inta hoos u sii eegay Takhtarkii wuxuu yiri, “Takhtar waa sidee, miyaadan arkayn sida qoftani u xanuunsan tahay, aniguse maxaan kuugu yeeray?”
Takhtarkii oy uga badan tahay inuu baxo si walbana uga qancay xaaladda meesha taal baa yiri, “ Qoftan wax xanuun ahoo hayaa ma jiraan, aan ahayn been adiga lagaa gadayee armaan run kuu sheegayoo aad adna dantaada qabsataa. Qoftan waxaa haya waa rooxaan, Mingis, ardooyin iyo waxyaalo la mid ahoo aan annaga haddaan takhaatiir nahay na khuseyn, Takhtaraddeediina waatan kor taagane kala tasho”. Intaa markuu leeyahay wuxuu u kadaallinayey inuu toos u baxo. Odaygii oo dhan u garanaya arrinta, dhan kalena ay kaba qasan tahay baa yiri, “Takhtar dabiin farwaaweyn baa wax loogu dhigaaye maad arrinta ii qaadaa-dhigtid oo dhibaatada iga haysatee gacan iga siisid”. “Gacan kaa siiyaye, habarta naagta kuu daweyneysaa ha kuu daweyso intaa iyo nabadey”, Takhtarkii intaa markuu yiri buu waxba ma joogjoogsane iska sii dhaqaaqay.