Abwaan gandaal
Waa gabay dhammaystiran oo cadho abwaan ka muuqato. Allaha inoo sahlo.
1. Ummadaan iyadu keensaneen kibirku aafaynin
2. Illaahay kadeed iyo ma bado keenan oo kale
3. Cudurkii kalaa loo cunaa dawo kaniinkeede
4. Kaankaraha qabiilkaa na sudhay keene xadhig wayne
5. Kolkaasay karaamadii luntiyo kaalin dawliya’e
6. Intii aan sidaa loo kambalin sharaftii kaar booday
7. Laakiinse koolkoolintii kala jab soo muuqday
8. Abwaanadu kasmiyo waano badan way kardhanayeene
9. Ka daayaay wax badan baanu nidhi waagii kibirkeeye
11. Hayeeshee kir bay nagu dhaheen diidmo kari waaye
12. Kolkaasay karkaaradii jabeen kaalin nabadeede
13. Culimadii kitaabtii nacdoo ride kalaashkoof’e
14. Ninba meeluu kayn qiil u rabay ula kac diintiiye
15. Oo waliba kalaamkii Fircoon yaa u kaatibahe
16. Markaasay kardhaaladii shubeen dhiig kankoonsamaye
17. Ilaahii kitaabkii Furqaan keenayoow mahadle
19. Kufaarkii Fircoon ee Alliyo kaamilnimo sheegytay
20. Biyo aad ku amartuu ku goay oos kabaday naare
21. Ogaanayoo faluu keensadaa baday kadeedkaase
23. Kama duwana Soomaalidani tay ku kacayaane
24. Ruux waliba xumaantuu kasbaday oo kafado saartay
25. Kala soocda adigoo na marin qofiyo kiiskiisa
26. Malaa’igo katiinado watoo kood nawada taaga
27. Illaahii kurbada faydayoow maad ku soo amartid
29. Ku kastaba ka kale waa ka daran kiilka aafadae
30. Kursi doonad koox uu watiyo kaligii noolaade
31. Kuwii xabsiga iyo kooladoo sidii komaandoos ah
32. Kuman jirriya kuman aan la garan kuman ashaamuuda
33. Kuman jidhaca kuman dool ah oo wada karaahiyaa
34. Kuman dumara oo qaatilada soo horkacayaala
35. Kumanyaalo keebkaa hayoo kaga kadhsiiyaala a
36. Kumanyaal kashiid iyo la baxay kaalax iyo moori
37. Kumanyaal kabada dhiiga kulul waa ka aadmiga e
38. Kumayaalo aan kala jeclayn kowsar iyo naarta
39. Kudkude iyo kutaaniyo dawaco aafo kala kaan ah
40. Kuman sixira kumanyaal asma ah faalka kuman sheega
41. Kun walibana usii jeelan yahay reeruu kadab gooyo
42. Intaasoo kun baa nagu tartami kaa anaa diliye
43. Hadba kii nahaystaa ratibi koox dad laysyo ahe
44. Kawaanada dadkaa maydku yahay sida karoorkaase
45. Soomaaliya kadeedkaa qabsaday kala jabkaa gaadhay
46. Carabkayga kuma koobi karo kaarka aafadae
47. Illaahii kitaabkii Furqaan keenayoow mahadle
49. Kufaarkii Hitler ee dunidan weerar ugu kooray
50. Ka samayso Eeboowna yidhi keer anaa rogane
51. Xoogguu ku faanees dunidan ugu kardhoobaayey
52. Baraf aad kor saartuu ku lumay saacad kaligeede
53. Ogaanayoo faluu keensadaa baday kadeedkaase
54. Kama duwana Soomaalidani tay ku kacayaane
55. Ruux kastaba xumaantuu kasbaday oo kafado saartay
56. Kala soocda adigoon na marin qofiyo kiiskiisa
57. Malaa’igo katiinado watoo kood na wada taaga
58. Illaahii kurbada faydayoow maad ku soo amartid
60. Been la korin runtiiyoo kambadhan ama la kaayaayo
61. Karadha kakada boodka kawkabtaa badatay
62. Kansho beelka kaadsiinyo lumay miyirkan kayr kayray
63. Kadlo orodka kaynaan rucla ah kaalmo ladi waaga
64. Kufsashada saqiiradan karsamay waalid kala jeexa
65. Kala cararka kaymaha la gali kala qabiil sheega
66. Kuman la dilay kumanyaal la dhacay kumanyo naafoobay
67. Kuman waashay kumano uu mas cunay kuman ugaadhoobay
68. Kuman firxaday oon lahayn kab iyo raad toona
69. Kumanyaal qaxootiga ka galay Kenya iyo Xayle
70. Kumanyaal godoomoo aysan jirin kaalin lagu sheego
71. Soomaaliya kadeedkaa qabsaday kala jabkaa gaadhay
72. Carabkayga kuma koobi karo kaarka aafadae
73. Ilaahii kitaabkii furqaan keenayoow mahadle
75. Kufaarkii Namruudee kas xumo kibir la maan beelay
76. Waadigii kaneecada u diray kalow sankiisiiye
77. Isaguna kurkiisii jaree kaw markaa yidhiye
78. Ogaanayoo faluu keensadaa baday kadeedkaase
79. Kama duwana Soomalidani tay ku kacayaane
80. Ruux kastaba xumaantuu kasbaday oo kafado saartay
81. Kala soocda adigoo namarin qofiyo kiiskiisa
82. Malaa’igo katiinadoo watoo kood nawada taiga
83. Illaahii kurbada faydayoow maad ku soo kicisid
85. Kanaa dhadig kanaa dhalahayiyo kani irmaan weeye
86. Xoolo aan lakala soocinoo biri ka ciil beeshay
87. Warshadahan la kala daadiyee karinba ruux qaatay
88. Kansi iyo dadkii beerayoo kud iyo kaar leefay
89. Sal kakaca nabaad guur kulayl rarankan kaaraaya
90. Kambadhuudhka gaajada dadkaa caydha kadalooba
91. Red-karoos waxay keentayee kaalmo aadamiya
92. Ku wax cunay iyo kuu guray oo kob wada geeystay
93. Ka xadiyo ka qaad iyo dhurwaa kicisay ciiryaamo
94. Intaasaa u wada kaalmatoo kiilo ma helaane
95. Illaahii kitaabkii furqaan keenayoow mahadle
97. Kuwii Qawmaluud ee fisqiga kow la marag qaaday
98. Waxay kula kacaayeen martida kaafirnimadooda
99. Waadigii ku rogay fiidanee galiyey foolkaane
- Kama duwana Soomalidani tay ku kacayaane
- Ruux kastaba xumaantuu kasbaday oo kafado saartay
- Kala soocda adigoon na marin qofiyo kiiskiisa
- Malaa’igo katiinado watoo kood nawada taaga
- Illaahii kurbada faydayoow maad ku soo kicisid
- Balaayadii la koolkooliyee loo durbaan kiciyey
- Ninba kiishkuu hoorsadiyo qaaday kalaxiiye
- Kii qabiil la kabaraadi jiray maanta kaligiis dheh
- Wiilal koox ah kii haysan jiray maanta kaligiis dheh
- Kitaab iyo ninkii diin lahaa maanta kaligiis dheh
111. Karaamiyo ninkii wali ahaa maanta kaligiis dheh
112. Midkii lacagta kaashayn ogaa maanta kaligiis dheh
113. Kiro qaate kii guri lahaa maanta kaligiis dheh
114. Ku raaxayste baabuur kontana maanta kaligiis dheh
115. Awal hore kaldhaamay ahayd laba ka koobnaaye
116. Afartii kabaal baa hadeer kaamil loo xidhaye
117. Sidii roob kalkiisii galoo kiciyey uugaamo
118. Maantaba Kismaayey sidii karar u hoortaaye
119. Kama duwana Baydhabo haday sii kadaalido e
120. Hiiraana koortii sudhnayd waatan kololo’ayne
121. Koongareeska Mudugee sharqami kulantay Ceelbuure
122. Raaskaambooni iyo kaybkii Casayr kaarkii Xamar Weyne
123. Balaayadii kol wada taabataa ololin Kaaraane
124. Markaan nabada koomaalooy kaamil noqotaaba
125. Kanaakhuudayaal fidmada kooliyaa yeedhin kabankiiye
126. Kolkaasay baladu kaakacdaa kowna noqotaaye
127. Annaguna kax baan taaganahay kama danbaystiiye
128. Ilaahii kitaabkii Furqaan keenayoow mahadle
129. Adaa kara adaa kaamilooynan kugu adkaanayne
130. Koonkiyo makhluuqaba adaa uumay kaligaaye
131. Ka shalaaytadoodee jabiyo wixii kadeed gaadhay
132. Bal inay kol kale duul noqdaan kasmo garaad yeesha
133. Ama ay kol kale duul noqdaan kabaya dhuuxooda
134. Ama ay kol kale duul noqdaan diinta kor u qaada
135. Kalgacaylkii Soomaaliyeed ood meel isugu keento - Yaan Illaahii kurbada faydayoow kaa codsay maanta