Ugu horrayn iska yaree xidhiidhka dhaw ee qofka
Haddii aad is jeclaydeen dhibna uu kaa soo gaadhay, ama aad saaxiibbo ahaydeen isla markaasna aad dhaawac nafsadeed kala kulantay, go’aan geesinimo leh ka qaado, si toos ahna uga gaabso. Intii aad khalad ku dhaawici lahayd nafsaddaada. Labada qof ee xidhiidhka kalgacayl ka dhaxaysay, haddii aysan kulmin ama wada xidhiidhin amaba si uun isku soo booqan, waxaa hubaal ah in mararka qaar uu sii sara kaco jacaylkooda, balse mar mar dhif ah ayaa la arkaa in uu naaquso dareenkoodi kalgacal, haddii uu kolkii horaba laablakac uun ahaa. Waxyabaaha xasuusta joogtada ah keeni kara, sida farriimihii hore la isku dhaafsaday oo la tirtiro ayaa iyana keeni karta in ilawshaha saaxiibadu hirgalo.
Jacaylka isku fiican ha isku waaraan, balse kuwa kala cagajiidaya ha kala danaystaan.
Qore: Af-guun