Q-29aad taxanihii adeegto

Intuu istaagay buu cabbaar madaxa hoogaamiyey wax uu yeelo iyo meeluu wax ka qabtuu garan waayey. Meesha waa lagu dhamaa iyadoo baahi lala fadhin la’aa walowba Maryan xanuun u dheeraa waxa dadka haysta. Odaygii wuxuu fekeraba mar dambuu inta xaggii jikada u dhaqaaqay indha-indheeyey weel uu cunto ugu doono dadkan ciirsan. Ishuu weelka ku baadi goobayey baa dhannaba u dhaafi weydey wajigii Maryan oon wax lagu tilmaamo la garanayn. Cabbaar markuu ku dul wareegay ayuun buu mar dambe is gartay inuu weel doonayey. Arag inaan meelaha weel ka dhaweyn. Maryan iyadu waxay u qaadatay inuu sidii wiilkiisa u dili doono oo wayba baqday iyadoo is tiri armaa tan wax kale kuu raacaan. Intay isa sii kuustay bay madaxa hoos sii gashatay. Odaygii baa dib isaga so laabtay, weelna ka doontay meelaha kalee la dhigo. Isagoo digsiyo wada ayuu soo baxay soo inta dhawr ilmihii kaxaystay waxaa cunto laga doonay Makhaayadaha.
Maalinta la qadee cashadiina sidoo kalaa la rabay in loo maamulo. Maryan dhibtii ugu weyneyd waxay u timi markay damacday wax cune ilkihii iyo saliilyo roortay ayna waxba ka dhadhamin weydey. lyadoo awalba la hayey haddana looga sii daray bay ka sare kacday jaqaf xoogaa bariisa loogu ridaye hoos yiil, waxayna aaddeyoo fariisatay dhagaxay maantoo dhan ku fadhidaye jikada yiil. Sideedii bay madaxa hoggaamisay ishana ka mirigsiisay.
Odaygii markuu ilmihii qadeysiiyey buu inta kala seexshay wuxuu aadey ciduhuu yiqiine uu is lahaa talay kaa siin doonaan dhibaatada ku gaartay, waxna way kaala qaban doonaan.
Ma uu weydiin ilmuhu inay habaryartood u tageen iyo dhibtay kala kulmeen. Isagoon kaba cabsaday dumaashadii, maadaama uu ogsoon yahay inay ahayd qof duulduul badan lagana yaabo in loo joogo, ayuu aadey cido kaloo qaraabo ah. Intuu sii maqnaa ayaa reerkii waxaa u soo laabtay haweenay daris la ahayde horay ula socotay in xaasku kacsanaa, kaddib mar­kay maanta aragtay odaygoo qado sidana wax tuhuntey. May timaaddeene odayga bixiddiisay la socotey. Haweeneyda imanaysay waa habar mici gamaar ahee aad isugu mashquulisa hawlaha beenta ah sida Mingiska, wadaaddada iyo aleelaynta. Si bayba ugu nooshahayoo dan dhaqaalaa ka gashay. Hawshay haysay waa iyadoo isku soo dunta soona duufisa dadkay is leedahay waa la hagi karayaa.
“Hoodi, hoodi, war maxaa lasheegay?” Inta irriddii hore isa soo taagtey tiri. Wax cida oo meelaha ka dhowaa Maryan baa jirtey. Ilqooreeday inta ka eegtay waxba may hadline afkeeda haysatay.
Habar baastii oo weli irriddii taagan soona geli la’ maadaama aan hoodeyn la oran, sina u jecel in afadii reerka lahayd inta hoodeyn tiraahdo ay soo gasho, ayay mar labaad ku celisay, “war hoodi, hoodi, mise meesha cidiba ma joogto”.
Islaantii is bukhuurineysay dadka inay la hadasho diiddey ayaa, illeen beladiyo beentay u laab iyo dhego furan tahaye, maqashay hadalka halkay joogteyna ka garatay qofta hadlaysa. Inta soo boodey bay qoob iyo qaylo isku soo dartay, “Hooddeyn, hoodeyn, soo gudba, ma khaliifadihii iyo culimadii baa. Alla ilaahow ku magan sidaasaa la isaga warqabaa oo wax kastoo dhacaba hawadaa lagu ogaanayaa! Bal sidee bay wax ku ogaadeen haddaan barako iyo rooxaano wadin ama aan sooye hawada duulduulayne la socon meel kastoo wax ka dhacayaanba”.