Xaaji Aadan oo ka hadlaya shacabka iyo sida gurracan ee doorashooyinka, ayaan soo qaadanaynaa arar ballaadhan oo uu iskaga garsheeganayo laf ahaantiisa, iyo sada uusan hadda wax u qaban karin. Gabayga oo dhammaystiran waxaad ka raadisaa Doollo.com.
Sidi aar gabooboo ka jabay gaabatada lawga
Oo gabannadii laga fashilay geedu hadhinaayay
Oo nimanki godobtiisa qabay gun u jalleecaaya
Oo aan itaal wuxu galiyo orod ku gaadhaynin
Oo keyn intuu cadha la galay gawnaxyada buuray
Goortaan garwaaqsado dhibaha shicibka gaadhaaya
Asaan gabay arrimo dhawr ah oo ila gudboonaaday
Waa waxaan xabaallaha u galay geerida horteedee
Cimrigii da’ kula gaadhay waa guuldarriyo ciile
Haddaan amar Allaan laga gudbine gabi ahaan fiirsho
Garaw iyo ku dayashaan dayaxa gees la leeyahaye
Isagoo geyiga nuuriyuu guud maraa saxalee
Ma gudhsado adduunyada ninkii godal ka maalaaye
Nina keligi gaar uma lehe’e galabba waa meele
Waagii guduutaaba waa waaya gooni ahe
Hadba cirirku meeshuu galuu saxal u guuraayee