Isku ekaansho dad

Nolashu waxay leedahay yaab, kaas oo aan cidina fasiri karin. Mararka qaar waxaad suuqyada ku aragtaa shaqsi u eg qof aad aad u taqaannay, markaasaad is weydiinaysaa ”Tolow ma qofkaad taqaannaybaa mise waa mid u eg!”. Mararka qaar qof iska socda ayaad salaan kala duldhacaysaa, adiga oo ismoodsiinaya shaqsi aad taqaannay. Qofkii aad salaamaysay wuxuu isna kuugu garaabayaa malahaaga, aadna kuulama yaabayo, sababtoo ah dadka ayaa isku ekaan kara. 

Hadda labadan sawir ee hoose, waxay kala yihiin:- Enzo Ferrari oo Talyani u dhashay, oo ahaa aasaasihii shirkadda baabuurta ee loo yaqaan “Ferrari”, ninkaas oo dhintay 1988. Sawirka xiga waa ciyaartoyga Mesut Ozil oo ka soo jeeda dalka Turkiga, balse haysta dhalasho Jarmal ah, kaas loo maleeyo in ay mataano ahaayeen  Enzo Ferrari.