Q-28aad taxanihii adeegto

Garaacii buu ku celceliyey mar dambaa irriddii la furay. Maduxuu soo geli maagay mise udugga iyo barafuunka ka soo boodayaa waa wax kale. Dariishaduhu way xiranaayeen, daahyaduna way sii wada deysanaayeen. Aad baa qolku mugdi u ahaa. Qofkii qorrax ka yimaadaana uuna wax ka arkayn. Odaygii isagoon halla u jeedin barafuunkii iyo qaacii fooxay shideyseyna aad inta madixiisa u galeen uuba dawakhsan yahay buu soo galay. Haahaabashiyo tukub buu ku soo galay. Wax iftiin ah wuxuu arkayey dhuxulo dabqaad ku jiree meelaan ka dheerayn yaal. Wax maqal ah wuxuu maqlayey hunu-hunnu aan la garan karayn, duciyo Alla tuugsi, heesiyo gabayo si u hadrayee qof isku buuqsani ku soo celcelinayo. Hadalkii baxayey wuxuu ahaa, “Haa, haa horaan u

arkayey in waxaba jinni dhalaye ayn insiba ahayn. Reer kaba weyniyo reer lugo mandiil baa meesha ku fooxsanayee maxaad dooneysaan. Calay ceebbaa hayee yare noo dabcisaan. Maqadaad weydeen, waa sidee miyeydnaan cirka wax ka arag mise cagaydnaan lahayn. Hiyaac, hiyaac, waa reer buraaliyo barake laawayaashii”.

Odaygii baa yaabay oo sinaba u qaadan waayey in waxa hadlayaa yihiin xaaskiisii. Mar buu wuxuu ku hamiyey in qof kale la joogo, haddana maqli waayey cid kaloo la jiibisa iyada. Mar uun buu yiri, “Naa waa sidee! Waa maxay adduunyadan dhabaqsane sida kale ahi. Maxaad isu waalwalaysaa nooguna hees beenlaynaysaa!”

lyadii mar alla markay maqashay siduusan ugu garaabayn bay ka sii gadday oo awal meelaha dhow bay ka dhaamineysaye waxay u aroortay xidigaha sare. Intay sidii awr qooqan doobbisey bay in aynan waxba noo qabin, balse waa meeshaad ka gurtaan. Haddii wax naloo qaban waayey ma annagaa qabsan weyney.

Ma inkira, hee na inkira annana waa naqaannaa waxaan yeeli lahayne, Biddow soo deg buurtoy dhaqaaq, bariyow fogow, alla, olla, olla buusha buusha, buusha, hiyaac, hiyaac, hiyaac” bay lahayd.

Odaygii oon awal wax arkeyn ayaa markuu cabbaar meel taagnaa waxaa u iftiimay meelo dhawr ahee ifka soo galayey guriga. Waxaa marba marka ka dambaysaa soo kordhayey iftiinka marka isaga aragtidiisa loo eego. Intuu madax ruxay sinabana u qaadan waayey waxyaalaha meesha ka dhacaya buu fekeray. Wuu ogaa saaka markuu ka tagey siday arrini ahayd iyo wixii dhacayba. Mase uu garan meesha sartu ka qurmayso. Wuxuu ahaa nin moog in meesha sartu ka qurmaysaa ay ahayd tuhun isaga la tuhunsanaaye lagu tuhmayo luga fidsi iyo guur kale, dabadeed, si taa looga soo hor ka laabto indhawaba loo baarayeyy marmarsiino. Teeda kale waxaa jirta in iyana ay ka muquursaneyso dilidday Maryan dishey oy is leedahay ha lagu yiraahdo qoftani waa qof jirran. Waa lays moogaa. Odaygu waa war moog, danibase way u run sheegi doontaa markii runi run geydo.