Khaliif aw axmed

Sawirka waa Anwar Khaliif, waxaana dhalay abwaanki gabaygan tirshay. Gabaygu ma dhamaystirna ee waa intii ararta ahayd.

• Aarkaba haddii wiilal dili laysu daba joojo

• Marka horre sidduu deyrka jabin ways dalliciyaaye

• Dabadeed ninkuu dili naftay kala dardaarmaane

• Markuu duubi-weynoo indhaha dibada soo joojo

• Oo door ka laayoo ilkaha darib ku haanfiiro

• Bal dayaay ninkii dalash ahaa sooma daakhilo e

• Laba dibi dinaahayn ka siman jeeray dirireene

• Daafaha intay kala jiraan wax isma doorshaane

• Doc ka dhugadka daymada danbaa mid is daleenshaaye

• Haddii daawad deyr loo dhigoo baarqab lagu daayo

• Oo dabar lasoo dhaco midkay kabadu diifaysay

• Bal dayaay markuu doobta rido wuu durduriyaaye

• Orgi door ah oo naag dir badan adhi kusii daysay

• Hadduu qabad dan galo oo riyaha qaylo kaga daadsho

• Bal dayaay markuu geeska daro waa durduriyaaye