Hooyadii ayaa soo kacdy oo awal way is jirreyneysaye ka dib markay maqashay warkaa socda xasradi soo qaadday. Dibadday inta isa soo taagtey tiri, “haye, waxa la sheegayaa ma run baa”? Habarta hadalkeeda waxaad mooddey amuuba u ekaa qof maliil ah hadalkii, maxaa yeelay, weli beentii bay gadaysey.
Maryan mar alla markay aragtay afadii oo soo baxday bay cagaha wax ka dayday, maxaa yeelay, way ogsoonayd inayan faraha ka dhoofto. Waxay isa soo agtaagtay baabuur baxayoo aan waqti sidaas ahi u harin. Dadkii badiba way fuushanaayeen, hareeraha waxaa ka taagnaa baabuurka kaarigii, kirishbooygii, darawalkii iyo danigii oo lacag ku xisaabtamayey. Maryan waxay aad u indha indhaysay siday u ogaan lahayd amay u warsan lahayd baabuurka iyo sidii loo raaci lahaa. Ma ay danaynayn meesha uu ku socdo. Meel kastana ha u socdee haddii la qaado way u raacaysaa duruufta haysatey daraaddeed.
In cabbaar ah markay ku gaaf wareegeysay iyadoo u kuur galaysa dadka baabuurka wataa kuway yihiin bay mar dambe maqashay dadkii baabuurka fuushanaayo ku qaylinaya darawalkii, kaasoy aqoonsatay. intay isa soo agtaagtay bay tiri; “adeerow i qaad”.
Darawalkii oo aad isugu buuqsan afkana cagaar ka daadanayo ayaa indha galka ka baxsan Maryan ku eegay, hadalna wuxuu ka yiri, “Wallaahay ma fool xumid, ha yeeshee, waad rasan tahay.”
Hadalkaa markuu lahaa yaa waxaa maqlayey kirshboygii oon isagu ka dayrinayn qofta meesha taagan, oo intuu ku soo dhawaaday buu isha ku sii gubey Maryan. Mar dambena yiri, “Haye abbaaye, adigu xaggee rabtey?”
Maryan baa inta ka naxday su’aasha la weydiiyey tiri, “idinku xaggee ku socotaan?” “ah, ah, ah, meeshaan ku soconno haddaadan garanayn maxaad i qaada u leedahay. Annaguse waa ku qaadaynaa haddaad xagga baabuurku u jeedo u socotid,” Kirishboygii baa yiri. Ma i qaadaysaan, xaggee fuulaa,” Maryan baa tiri “Jaranjaradaa ku fuuloo dhaqso waa la dhaqaaqayaaye,” Kirish- boygii baa yiri.
Q-33aad taxanihii adeegto
