Dameer u lahaa nin beeraleey ah in badanna uu ku shaqaysanayey ayaa ku dhacay ceel uu beerooluhu lahaa oo uu ilaaway in uu daboolka saaro.
Ninkii beeraleyda markii uu arkay ceelka uu ku jiro dameerkiisi iyo sida ay u adag tahay in laga soo saaro, dameerkuna yahay mid gaboobay oo aan wax badan qaban karin wakhtigan maadaama uu muddo badan soo shaqaynayey, ceelkuna yahay mid gudhay oo aan biyo lahayn waxa uu go’aan ku gaadhay in uu ceelka ku aaso dameerka.
Waxa uu wacay asxaabtiisi si ay u kaalmeeyaan waxayna soo qaateen majarafado ama badiilo waxayna bilaabeen in ay ciida ku rogaan dameerkii, dameerkii markii uu arkay waxa dhacaya aad buu u qayliyey laakiin cidna uma ay joojin.
Mar keliya ayuu qayladii joojiyay dameerkii dadkii oo dhamina waa ay yaabeen waxayna u qaateen in uu durtaba si fudud u dhintay, ninkii lahaa ayaa eegay waxa uuna arkay arrin ka yaabiyay.
Majarafad kasta oo ciida oo dhabarka dameerka lagu tuuro inta uu iska gilgilo ayay hoostiisa ku dhacaysay dameerkuna kor ayuu u soo kacayey, wey sii wadeen in ay ciida ku aasaan ilaa dameerkii kor u soo baxay dibada yimid ceelkiina ka soo baxay, qof kasta yaab ayey ku noqotey geesinimada dameerku sameeyay iyo caqliga uu isticmaalay.
Sheekada maxaa aynu ka baranaynaa:
◇ Dhibaato kasta oo bulshada kaaga timaad hadal iyo falba waa in ayna dib kuu celin ayna noqoto tamar aad shaqadaada ku sii wado
◇ Wax kasta xal waa loo heli karaa ee si fudud ha isku dhiibin
◇ Haddii dadka oo dhami kuu midoobaan in ay dib kuu celiyaan kuuma celin karaan ilaa aad adiga ogolaato inaad dib u noqoto.
Xigmad ayaa waxa ay tidhaahdaa “Dadku dhagaxaan ayay ku soo tuuri doonaan wadada guushaada laakiin adiga ayay kugu xidhan tahay in aad dhagaxaantaa ka dhigato jaranjar ama salaan ama buundo aad ku gaadho halka aad doonayso iyo inay ku joojiyaan oo aad halkaaga dhaafi weydo”
Hidimo kasta hore u socod ha kuu horseedo.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Page-ka xigmadaha iyo qormooyinka