Q-36aad taxanihii adeegto

Dadkii intii badnayde dhallinyarada ahayd lab iyo dheddig baa si kale taa u qaatay intay is wada eegeen oo afka wada buureen laysuna wada iljabshay baa isku mar la wada yiri, “Haaha, bal isku qabo,” wax kalena lama sii orane intaasaa hadalkii lagu deystey.
Maryan way garatay dulucda huuhaada. Way xishootay oo waxay ka gaabsatay go’ii loo soo tuuray inay qabsato, walowba uu dusheeda badiba ku dhacay. Intay aad u yaxyaxday oo hadba dhan eegtay bay iyadood mooddo in belaayo soo ag-dhoobatay gacanna u fidin weydey xishood daraaddii. Dhaxan baa haysaye naxdintay naxday darteed ayaa dhidid qooyey.
Odaygii waxtar is yiri naftiisa la gal dhallinyaradana ka baq. Habar baase inta soo booddey tiri, “Allow doqoney ha kuu naxariisan, naa qabso go’a oo isku qabo waad u baahan tahaye; maxaa kaa galay yawgan huuhaadooda, haddayse iyagu dad yihiin may wax ku taraan intay heesayaan! Waxba ha maqal warkoodee qabso go’oo halkanna soo fariiso”.
Maryan oo aad geesinimo gelin dheraada uga heshay hadalka habarta baa go’ii boobtay kaddibna waxay isku soo qaadday habarta agteedii. Meelay salka dhigto, inkastoy ciriir ahayd, bay heshay. Naftii baa ku soo noqotay dhaawacii horese mid baa ugu darsamay oo ah dabayl aad u gashay. Inay aad u dhaxamootay bay gariiraysay indhahana biya ka da’ayey.
Wax hadala lagama hayo oo mar way xishoonaysaa mar kalena afkeeda jajaban oo dhaawaca bararka lehe wejigeeda ku yaal bay qarsanaysaa. lyada waxay ula muuqdeen ceeb iyo fadeexad dadku ku caayayo.
Buuqii iyo caydii baa dentay. Dadkiina wuxuu u batay wax ama hurda ama lulmaysan. Guurihii baa dheeraaday mar dambaa meel cidla inta la joogsaday, darawalkiina hurdo dhag yiri. Dadkii hore u seexan waayeyna mar dambe iska seexdeen.
Waagii beri lana xaaxaabsey. Habartii oon ka sidii warsan Maryan meeshay rabto baa tiri “Adigu Magacaa?”.
Maryan baa ka maagtay hadalkii waxay sheegtana garan weydey. Habartiina way fahamtay dhibta Maryan haysata iyo inay tahay qof iska jahawareersan. Intay madaxa ruxday oo ilka caddaysay bay tiri, “micna ma lehoo horaan marar badan u arkay kuwo sidaadoo kale intay dhegta uun ka maqleen waa la safraa iyagoon ujeeddo lahayn meelahaa waraabayaashu ku cuneen hadhowna la arkay iyagoo biyaha iyo baasiinka isku daraya, balse aan eegno meeshaad qof cusuboo qurux u dhalatay baad tahaye is dhigtaa.”.
“Eeddo runtaa weeyoo dhibaataa I haysa. Waqtigaa i wada ee meelaan ka imid iyo meelaan u socdo toona garanmaayo. Aad bay iiga qasan tahay aniguna iskama qasina waa duruufta waxa sidaa ii galay. Anigu waxaan u socdaa meel alla meeshii i ceshata,” Maryan baa tiri.
“Waa ku gartay, hadalkaagana waxaa ka marag kacaya muuqaalkaaga. Anigu Xamar baan u socdaa haddaad i raacaysidna waan ku wadayaa ilaa Xamar, midaan wax ka qabana ma aha haddaad in muddo aan badnayne Xamar aan joogi rabo ila jogeysid, inteediina meelo daydayanaysid”, Habartii oo belo iska dhigaysa baa tiri.