Tuducyo ka mid ah gabay Sayid maxamed kuwooda ugu caansan mid ka mid ah
• Eebbow goonji weyn iyo xaq bay naga gullaafteene
• Guullow ma helayaan waxay nagu gubaayaane
• Eebbow waxay naga gogtaan waa galoof-olole!
• Eebbow sidii guun haween ‘gii’du waa aniye
• Eebbow nin goba baan ahoy guni rifaysaaye
• Eebbow waxaa noo gurmaday gaayo-alifleeye!
• Ma gereysni Eebbow waxaa guufanneyska ahe
• Eebbow gabooddii dorraad waa ka gar-allayne
• Eebbow markaan geyllamey guulmiyoo baqane!
• Eebbow guddoonkii sharciga gooye nimankiiye
• Eebbow kufriga gedeftaley gacanta haystaane
• Eebbow anaa kugu gar lehe guusha ha i seejin!