Odaygii baa inta isha ku sii gubey iskula hadlay, “Wallee qurux u dhalatay waqtigaa ku haya mooyaane”. Intiiba intuu ka naxay waxa Maryan haysta buu yiri, isagoo dadweynaha baabuurka fuushan hadalka dhex dhigaya “War miyeydaan dad naxaya ama dadnimo haba yaraatee ku duugan tahay ahayn, maxaad inanta yaree agtiinna balanbalaysa wax u tari la’ dihiin.” Inantiiibana go’ uu huwanaa buu inta u soo tuuray buu yiri, “Naa bal isku qabo wax kale ma haynee”.
Baabuurkii sidii buu u shubmayey, dariiquna waa qarfihiisii boorku u dheeraa. Raaxo daayoo in laga daataa aad looga digtoonaa. Wax madax laysla dhaco oo cuucdiyo caaddu kartaba gooray saacad dambe tahay baa meel tuulo ah la yimid. Haddiiba Kirishboygii baa ka hor intuunan hawshuu lahaayee ahayd baabuur fiir fiirin gudan intuu soo orday cunto ula soo cararay Maryan. Wuxuu islahaa: yaan lagaa qaadine meelayso hana lagaaga xishoodo. Wuxuu moogaa in lala socdo dantuu leeyahayna lala garanayey. Dadka baabuurka fuushan intooda badane waayeelka ahi taa way ka horjeedeen. Walowba dhallinyaro badanina meelaha dhoobnayd arrintana dhanka kirishboyga ka arkayeen, balse waa dhankay cuskataa talo.
Kala faq iyo is ilaalin baa bilowday. Darawalkii baa wuxuu isna ku biiray qoladii yaryarayde in la dhacay qabtey. Inkastoy habeen ahayd haddana dadkii labuu u qaybsamay. Habartii baa horjooge u noqotay Maryan. Meel kastoo la joogana agteeda kama dheeraaneyn. Odaygii isna dhankiisu isula rabey wuxuuna isu haystay nin wax taray.
Maryan iyadu xagga habartay isu badineysay walowba ayn illowsaneyn nimankii baabuurka soo saaray iyo odaygii go’a siiyey.
Kaftan baa ka dhex furmay dadkii baabuurka wada fuushanaaye arrinta Maryan kooxiba dhanka ka arkeysay. Hadallo hoos ka tuur ah iyo dibindaabyo cay hoosaad ah baa bilowday. Kirishboygii oo sida lagu wada yaqaan dadka baabuurta ka shaqeeya aan ka xishoonayn af xumaduna caado u tahay baa mardambe furmay, “war ninyohow dadkuba waa is dhaamaaye habar xunee meeshay wax u dabayso la yaqaani ha ku dhacdaa kuugu daran. Waa la yaqaan dantay ka leedahay iyo meeshay is leedahay wax mari, maxayse kuugu taal wallaanan sidaa ku harayne. Wax kale haddaan waayo lacag baanan waayeyn. Dhoocil xunee iyaba daahuun ahi sidaa ha kaaga gashato mid aan yeelayo mahee maxaad ka eegi! Wallee ama Qoroftaan kaaga dhigi ama lacag baad soo socon”.
Q-35aad taxanihii adeegto
