Qabiil iyo Qabyaalad

QABIIL: 
Qabiil macna ahaan waa eray carabi ah oo sheegaya dad abtirsiin wadaaga, ama oday iskugu imanaya, ama ku midooba oday kaliyaata oo magac u yaal ah (Symbolic) si ay ugu ilaaliyaan midnimadooda. Qabiilku waxa uu leeyahay qaab-dhismeed raacaya abtirsiin, oo leh meel uu ka bilaabmo iyo meel uu ku dhamaado, tusaale ahaan qofka Soomaaliga ahi waxa uu leeyahay meel abtirsiintiisu ka bilaabanto, laga bilaabo magaciisa ilaa qabiilkiisu odaga uu ka tafiirmay mana laga yaabo inuu qofku dhaafin karo wax badan odaygaa uu ka tafiirmay qabiilkiisu, waayo odayaasha inta badan Soomaalidu ku abtirsato asliyan cid si sax ah u garanaysaa ma jirto haddii ay jirtana waa lagu muransanyahay oo maaha wax la isku raacsanyahay taasina waxay ina tusaysaa in meel uu qabiilku ku soo xidhmaa ay jirto. Soomaali ahaan erayga inta badan la isticmaalo marka laga hadlayo wax istarka iyo wax isku ahaanshaha dadka isku qabiilka ah waxa la istcmaalaa erayga “TOL”. Kuma ahi af-Soomaaliga khabiir sidaad daraadeed ma hubo in erayga TOL ee Soomaaliga ahi uu u dhigmo erayga carabiga ah ee Qabiil, lakin anigu waxan is idhi iyada oo aanay aqoon ku salaysnayn oo ay malahayga ku salaysantahay waa laba eray oo la isku baddeli karo haboontahayna in ka soomaaliga ah la qaato waayo erayga Tol marka soomaali ahaan aad u eegto waxa uu samaynayaa macno sheegaya shay la isku dhajiyay oo aan is leeyahay malaha waa abtirsiinta iyo wax isku ahaanshaha erayga u taagan ee luqada English ka aan is leeyahay waxa uu ku noqonayaa (kinship).
Tolku inuu fasiraad buuxda leeyahay waxa sii macneeya ama fasiraba erayga la raaciyo had iyo jeer ee ah “TOL WAA TOLANE” oo micnaheedu noqonayo dad la isku toloy oo dun abtirsiin la yidhaahdo ka dhaxayso, oo xeerar iyo qawaaniin isku haysa oo ka dhaxeeyaa ay jiraan. Waa eray dhaqan ah oo tilmaamaya wax isku ahaansho, wada noolaansho iyo is taageersi ku dhisan abtirsiin.
Diinteena Suuban waxa ay inoo sheegtay in dadka laga abuuray lab iyo dhadig lagana dhigay bulshooyin iyo qabiilo, ilma Nabi aadan waxay u qaabaysanyihiin bulshooyin, bulshooyinkaas waxa ay iskugu sii xidhanyihiin siyaabo kala duwan ama waxa u dhexeeya ee isku hayaa waa dabaro kala duwan oo qaarba nooc yihiin, waxa isku hayn kara Qoomiyadnimo, Qabiilo, Diin, Dhaqaale iyo Siyaasad.
QABYAALADDA: (Qurun laqooshay). 
Qabyaaladda, waxa la isku waafaqsanyahay ama daacad ha kaa ahaato ama ka been sheeg qawlkaaga oo yaanay dhab kaa ahaane inay tahay wax xun oo ku astaysan burbur, kala qaybsanaan, kala qoqobnaan, is-afgarad la’aan, midnimo la’aan iyo qaar kaloo badan.
Iyadoo sifooyinkaas taban (negative) oo dhan leh haddana Soomaalidu waa halka aanay wali xornimada ka qaadan, Engiriis, Talyaani iyo Faransiis ba Soomaalida dhulkooda way yimaaddeen waanay la dagaallameen iskana kiciyeen gumaysigoodii laakiin Soomaalidu iyadoo qabyaaladda u aragta waxaas xun ee mushkiladaha badan way ku fashilmeen inay qabyaaladda meesha ka saaran. Waxa iska hor yimid qabyaalad iyo qarannimo, waxa xoog badatay qabyaalad, waxa iska hor yimid qabyaalad iyo Mabaadii kale oo shisheeye oo ay ka mid ahaayeen shuuciyadii Ina Maxamed Siyaasad iyo colkiisii wateen waxaana adkaaday qabyaaladdii oo waakii ina Siyaad Barre isaga iyo Sareeyayaal Guuto oo farabadan oo caynaanshe iyo ay ka mid ahayeen inta ay qabyaaladii baanu naxash ku sidnaayoo waanu aasaynaa ay yidhaahdeen haddna inta ay soo baxday madaxtooyadii villa Soomaaliya kursi dhigatay kana adkaatay mabdi’ii shuuciga ahaa ee dawladaha waawayni wateen Soomaliyana xilgaa haysatay. Hadda waxa aad aragtaa Dimuquraadiyadeena qabiilaysan ee wixii reer Galbeedku Dumuquraadiyada ula baxeen dusha kaga habsatay una dhigtay qaab qabyaaladdaysan.