Maryan oo cagaha ka dhidideysa naxdin iyo xishood kaga yimid baabuur fuulka maanta ku horreeya darti baa jaranjaradii fuushay. Waxay sii socotaba mardambay rakadii sare ee baabuurka u baxday taasoy ugu tagtay dad aad u badanoo ugu muuqday kulligood iyada unay guulayaan geesana wada leh. Maxaa yeelay, baabuurkaa ciriir ahoo qof waliba wuxuu is lahaa yaan lagu sii ciriiriyin. Maryan waxay indha indheysay meelay fariisato mase arag. Dhawr qof oo meel jambi ah salka kula jirtay bay isa soo dul taagtay. lyana dhammaantood sugayeen inay sii dhaafto. Dadka qaar baaba si uga qashaafayey oo is lahaa qoftan wasakhda badane kirishboygu wataa yay ku ag fariisan.
Maryan inkastoo duruuftu ka eexatay oo silic ku barbaartay, taasoo aad iyo aad wax u gaarsiisay dadnimaday lahaan lahayd haddana markay runi run geydo laga yaabee inay hagoogato. Waxay meel aad u ciqaaban taagnaataba mar dambe ayaa baabuurkii la daaray. Maryan baa dhaliilo iyo naxdinba galeen iyadoo ka baqday waxa baabuurku fali doono. Way ogsoon tahay marar badanna ishay ka aragtay baabuur meelahaas xawxaw leh, hase yeeshee, weligeed maalintaas ka hor gudihiisa iyadoo is may korin meelay haysataye jambi ahayd bay aad ugu haliishay iyadoo is leh dhibta iman doonta ka fako.
Baabuurkii baa dhaqaaq bilaabay taasoy kor u booddey kol aala kolkuu hinqaday. Hadal ayn iyadu is oran dheh baa ka soo fakaday, “ala waa dhaqaaqay”.
siduu u dhaqaaqay ayuu ugu shubay ilaa uu ka libdhay magaaladii. Haddiiba wuxuu ka libdhay magaaladii Maryan necbayde lagu dili jirey, welise neef baa Maryan ku taagan ay ka baqayso baabuurka iyo socodkiisa. Galab ama casar gaab bay ahayd dadka baabuurka fushanina, inkastay badnaayeen baabuurkuna buux dhaafay, waxay wada jeeqaaqayeen kana rajo qabeen hurdo iyo meelay caawadaa seexdaan maadaama la guurayn doono.
Maryan inkastoy taa war moog ka ahayd haddana meel meeshay joogto dhaanta kama dayriseen haddayba heleyso.
Meel gadaale oo qashin iyo xafish laga dhaanshay ayaa waxaa soo kadaloobey wiilkii Maryan baabuurka soo saaray Kirishboygii, oon isagu siduu meeshaa u soo fuulayba Maryan isha ka qaadin. Waa la fahmi karayey sababta uu ugu dhaygagsanaa. Dadka baabuurka fuushan badidiisu way u jeedeen horayna way ula socdeen dhaqdhaqaaqii dhacay.
Meesha ama dhulka la marayey waa dhul qarafa ah oo aan aamin ahayn baahuurkuna boodda rablaynayey. Dad horay fadhigu ugu xumaa baa fadhigii u hagaagay saaltadii baabuurka daraaddeed.
Dadka waxaa ku jirey odayaal dhawr ahoo si isu wada reer magaaleynaya. Mid ka mid ah odayadaa ayaa si ugu maqnaa Maryan iyo dhogor xumada ka muuqatay. Wuxuu is weydiiyey inay soo fakatayoo wax ka carartay. Odaygaa Maryan ka shakiyey wuxuu ka mid ahaa odayada magaalada, Maryan wajigeeduna waa
ku yaal walowba uusan soo dhifan tay ahayd iyo meeshay joogi jirtey waxaa odaygaa isaga ah ag fadhiyey oy wada socdeen oday kaloo ay isku meel ku socdaan. Labaduba waa mushtar aan sidaa u sii taagganayn. Kii hore wax u eegayey baa kii kale intagundhiyey si faq ah wuxuu u yiri, “war dhoocishaan magaalada ka fakanaysa ma aragtaa?”
Kii kaloon sidaa wax u danayneyn baa inta is dhagooleeyey mar dambe yiri, “maad inaka deysid hawlahaas aan danta inoo ahayn, ma naagaha maanta joogaa meelay u socdaan iyo arrimahooda loo galaa”.
“Allow ku magan! Naag haddaan la danayn ma wax kaloo la daneeyaa jira, anigase maad su’aasha sidaan ku weydiiyey iigaga jawaabtid, intaad goofoodeysid. Qoftani la mid ma aha naagahaad ka hadlayside bal u fiira yeelo. Waa qof baqsan didsan rasan ama dani ha u run sheegto ama dan ha lahaatee aniguse waxaan u malaynayaa inay qof carar ah tahay, wajigeedana waa igu yaallaa oo marar badan baan arkay,” kii hore su’aasha u geystay baa yiri.
Kii hadalku u dhacayey ayaa sidii qof daallan inta u neeftuuray isagoo hadalladaa nacsan dhan kale isu gundhiyey inuu hadlana kaba masuugay. Micna darray la ahayd inuu hadlaba, maxaa yeelay waxaan deeqin doodda saaxiibkii meesha keenay.
Ninkii lagu diidey hadalka ayaa isna deystey hadalkii, wuxuusanse deyn inuu Maryan u fiiro lahaado. Baabuurkii weli waa duulayey, dadkii saaraana sidii bay u lulmayeen. Qorraxdii marba marka ka dambaysay way sii ciiraysay.
Maryan meeshii bay weli taagneyd dabayl xun oo xagaa baa dhacaysay, baabuurkuna waaba ka hor jeeday. Iyadoo sidaa ahayd ayaa Maryan ayan hu’ u lahayn. Calaladii jeejeexnaayeay qabteyna bilifbilifta hayaan. Waxaa hadba kor uga boodayey timo aad u dheeraa ay lahayd waxay ku xirtana u la’ayd. Gacmahay la kala gaari weydey, mar timahay ku booddaa mar tafihii kaloo jeexjeex- naa bay hadba mid qabataa iyadoo weliba inay dhacdo ka baqaysoo hadba dhig raacaysa. Meela badanoo jirkeeda ah haweenkana cawro u ah bay u la’ayd hu’ ay ku asturto arrad daraaddii. Wiilkii baabuurka soo saaray arag in xaajadu si kale tahay aadna ay ugu adkaan doonto dantuu Maryan ka lahaa. Wuxuu ku taiiamay; lacag ma weydiisaa iyo haddaad weydiiso kuwa hadda kookoolinayaa kolley ka bixin doonee maxaad isaga sii didinaysaa.
Qorraxdii baa dhacday, aaskiina waa madoobaaday.
Q-34aad taxanihii adeegto
