Wacyiga maanso

Photo by Pixabay on Pexels.com

Nolaley warmoogey

Waan kuu warramayaa

Waqal aad ku faraxdiyo

Waayaha cidhiidhyoon

Waa laba wareegtee

Wajiyada is dabayaal

Arrimaha wacyiga sida

Wakhtigii yimaadaba

Waa wehel tagayee

Weligaa ogsoonoow

Kuma waartid dunidee

Labadeeda waaxyood

Midna waasan kuu bari

Midna waa wad iyo ciil

Wakhtigii yimaaddana

Waa wehel tagaayoo

Warinaaya camalkee

Waligaa ogsoonow

Is waydaarka aayaha

Waa wadhaf la tuuroo

Kolbay gacanta wabaxaa

Waadaanta sidataa

Kolla wayrax iyo oon

Naftu waajil mudataa

Wakhtigii yimaadana

Waa wehelka tagayoo

Warinaaya camalkee

Waliga ogsoonoow

Danta waaya-aragiyo

Wax ka baro duruufaha

Waxyigaad ku dhalatiyo

Waysada la kaashoo

Ha ka waaban murugada

Af-guun