_Ninka tagayo kii taagan buu talo u dhaafaaye
_Taariikhda waa laga dhaxlaa taxane waaweyne
_Tukubaha camoolkaa indhaha lagu tahbiibaaye
_Tiradii yar tawfiiqda waa lagu tayeeyaaye
_Waxaad tabi waxaad taransan laga tixraacaaye
_Tikh madaw habeen timil ah baan tagabsanaynaaye
_Soomaaliyey toosa waad kala tasawdeene