Q-37aad taxanaha adeegto

Photo by Hernan Pauccara on Pexels.com

Maryan oo mar ku faraxday Xamar tegideeda, mar kalena habarta hadal wanaageeda ayaa tiri, “Alla eeddo waxba kama qabo sidaa, waadna ku mahadsan tahay.”

Inkastoy muddo aan yarayn ku qaadatay baabuurkii iyo dadkii la socdeyba Xamar imaatinkeeda goor dambay ahayd markay bidhaansadeen, goor habeen badh tahay kaahii Xamar. Markaa waxay Marayeen dariiq laami ahoo halow ah. Maxaa yeelay caasimaddii baa dhow waana mid caadi u ah in dawladaha soo korayaa cammiraan caasimadaha iyo agagaarkooda. Kaaha baxay

Goor dambay ahayd guurana lagu jiro marka sidaa kirishboygu u duryamayo ha yeeshee, dadka qaar maqlayo ujeeddadiisna si fiican loo garanayo, walowba dadka intiisa badani iska hurdeen.

Habartii si fiicab bay u maqashay wiilka hadalkiisa. Intay Maryanoo agteeda luqma-laaban jugsiisay si ay u dareensiiso dhaarta iyada u dhacaysa bay inta qosol been laysay tiri, “Bal dhaarataye waa waxaad ka gurtaa. Maxaadse tari karaysaa waxyohow usgagga badani! Lacag hadaad rabtid waa lagu siin wax kalena ma samayn kareysid!”.

Maryan inkastoo jug la siiyey haddana may kicin. Aad bay u daallanayd, meeshay ku jirteyna meel ammaan ah bay ahayd.

Kirishboygii baa marmarsiino u helay cayduu habartu la rabey, “Eeyaa waad is aragtaayoo adiga lagaa dhammaysaye maad iska nasatid, mise mid alla iimaanka ka qaadayoo horay loo soo nacay baad yaraantaadii ahaan jirtay?”

Intaa markuu marinayo farina ayn ka qodnayn cayduu rabo baa Odaygii yiri, “Waar waa sidee, miyaadan xishooneyn afxumidaa, bal eeg qoftaad caayeysid! Waar naga aamus afku ku go’ye!”.

“Oday adiga naftaada wax baa kaa hadlinayee maad caddaysatid. Waa naqaan adoo kaloo meel cidla ah ku xiiqa hadhowna ceeb iyo cay faraha dara,” Kirishboygii baa yiri.

Habartii, “Afkaygow buus. War isaga aamus, waa carruur oo caqli baan jirine,” bay tiri.

“Marag baan kaaga ahay”, Odaygii baa yiri.

Danigii baabuurka oo waxoo dhan la socdey baa inta mara uu huwanaa boorkana isaga awdayey iska rogay isagoo si u kulul yiri, “waryaa maqal, wad afxuntahaye dadka sharafta lehe baabuurka fuushan ka daa afxumada haddii kale adaa harayee ogsoonow!”.

Kirishboygii oon ogsooneyn danigu inuu meesha joogo, shirkana ku maleynayey baa naxay markuu hadalkii maqlay jubuq dambena laga waayey. 

Habartii iyo Maryan baa barbar isu taagay, qofba waxbaa u darane waxay Maryan aad ula yaabbanayd magaalada weynanteeda, nal badnaanteeda, baabuur badnaanteeda, gaarahaan kuwa yaryare ayan weligeed horey u arage meelaha dusmeynayey. Mar­kii mid meelaan u dhaweyn soo marba habartay inta dhanka kale ka marto qabsataa.

Maryan oo aad kirishboygii ugu ciil qabo ayaa waxay sii raacday habartii. Go’ii weli way huwaneyd, odaygiina mana ilaawin meel uu wax ka yiraahdana ma joogo. lyadu waxay isaga qaadatay in lagu sadaqaystay. In cada markay sii lugeynayeen bay tagsi habartii la hadashay “Soo fuula”, ayaa tagsiilihii yiri. Habartii baa inta albaabka hore iska furtay iyadoon waxba Maryan hagin waxna u tilmaamin iska fariisatay, maadaama ay aad u daallanayd qof da’ joogtana ahayd, tagsiiluhuna waa war moog Maryan hagin waxna u tilmaamin iska fariisatay, maadaama ay aad u daallanayd qof da’ joogtana ahayd, tagsiiluhuna waa war moog Maryan wax ay ka garanayso ma leh baabuurtan dhadhabacaadsane dadku hulhuulanayo. Horay waatay habarta isaga daba socotaye alla markay habartii gashay oysan weli xiran bay horta u hollatay inay iyana baabuurka meesha habartu gashay ka gasho, haddana garamba weydey si loo galiyo qaabkiisaba. Markii horay u hollatay inay gashay horta lawga ku diirtay jambiga baabuurka. Waxa maskaxdeeda isku mar isugu yimid farqiga u dhexeeya kay markaa ka soo degtey iyo kan.

Maryan iyadoo sidii u yaabban si ay wax tiraahdana garan la’ tagsiiluhuna hoos ka haaraamayo is leeyahay naagta baas maxay baabuurka u soo fuuli weydey ayaa habartii wax fahamtay oo inta sidii qof baraarugey kor u soo booddey waxay tiri, “Alla, war inanta albaabka ka fur una sheeg siday u soo fuuli lahayd ma taqaan dhaqan magaaleedkane”. 

Tagsiilihii baa inta kajan u qaatay si caadi ah albaabkii u furay isagoo aan riixin. Maryan intay isku soo qaadday albaabkii laga sharqamiyey xaggiisii bay law kusii qaadday ilaa uu haddana xirmay. Maryan aragtay in meelo sharqamayaan irridda ama ha furmayo ama ka xirmayee mase ay kala aqoon mid xiridda iyo mid furidtoonna.

mayo ama ha xirmayee mase ay kala aqoon mid xiridda iyo mid furidtoonna. Yaab…