- Xulquun baa u weyn aadamuhu wuxuu xubbeeyaaye
- Gaawe xoor leh xuukiyo xaliib xoolo tiro gaadhay
- Ximrihiisa geeliyo midkii midab xawaadeed leh
- Xawawarinta laga caaggan yahay xero fogeyntiisa
- Haddii Eebbahay kuu xukumay xoolo idilkoodba
- Kumannaan xantiiraa jiree sow xamdiyi maysid?
- Maalintii xarbigu uu dhacee la is xisaabaayo
- Ee xinif colaadiyo jihaad loo xusula duubo
- Xiniiyaalahaan cararinee xeelad diriraaya
- Xallaashkiyo billaawaha ninkii xanafta dhiigeeya
- Haddii Eebbahay kaa xuddumay sow xamdiyi maysid?
- Xubnahaaga seniskiyo hadduu xooggan yahay jiidhku
- Halkii aad xubbaysaba haddaad u xarragoonayso
- Xaashida kuwaan rogi karayn xarafna eegayne
- Xoqashana awoodaynin iyo gudasho xaajeede
- Xaashaalillaahiye Xakiim sow xamdiyi maysid?
- Xilli tagey midkii xaadiriyo xaalka iman doona
- Xaajadii la sheegaba haddaad dhab uga xaalayso
- Oo aad xalkeediyo taqaan xeelado u gaara
- Xidaarnimadu waa deeq Allee sow xamdiyi maysid?
- Xayuunkiyo xawaadeenka iyo xanfar habeenaadka
- Haddaad kala xerootaan hurdada waad xasilisaaye
- Xiraad wacan xariir gogol ah iyo udub-cad xaaskaaya
- Tagsan xuural-cayniyo haddaad xaawe dhinac joogto/jiifto
- Kumannaan xas seexdaa jiree sow xamdiyi maysid?!!
- Haddii aad Quráankiyo xifdido xarafka diimeedba
- Oo uu kuu xasilo uunkuyoo lagu xushmaynaayo
- Oo ay xariifnimo bulshadu kugu xustoo sheegto
- Oo aad xusuus buuxda iyo xirgi ku taamayso
- Kumannaan xis maqan baa jiree sow xamdiyi maysid?
- Ubad aan xushlayntiyo aqoon xume dhammaantiisba
- Oo aan xaqdhawrkiyo ka tegin xurummo waayeelka
- Haddii Eebbahay kaa xuddumay kuwo xusuus reeba
- Kuman baa xujey-reeb dhalee sow xamdiyi maysid?
- Haddii aad xorriyad haysatoon lagu xuduudaynin
- Oo aad xashaash iyo taxaash la xarragoonayso
- Kumannaan xayiran baa jiree sow xamdiyi maysid?
- Kol haddaan xidhiidhiyey murtida sow xafidi maysid?