Maryan oo hadalladaa maqashay ilaa iyo markaas aan magaalo u jeedin baa yaabtay. Waxay tiraahdana garan weydey. Si laab furraan dheeraad ahi ku jirto bay isugu mashquulisay inay Xamarta la sheegayo aragto. Waxay hadba hummaagsato geedaha waaweyne xiinka lagu dhaafayey. Dhawr kol bay meelo nalal ka baxayeen oo aan dhawr guri ka badnayn intay aragtay istiri waaba tan Xamartii la sheegayey, haddana waa la dhaafaa iyadoo baabuurku si xun u shubmayo.
Sidii Maryan iyadoo u yaabban dhegaha iyo indhahana si culus u shaqo galisey, inkastoy aad uga xishooneysey inay dadka weydiiso Xamarta la sheegayaa meelay tahay, baa ugu dambayn markii dambe waxaa la soo galay meesha u dacaleyey Xamar, taasoo iftiin Maryan ka yaabiyey meel kasta oodda ka soo jabsaday. lyadoon is ogeyn bay inta kor u booddey si lama filaan ah waxay u tiri, “Alla waa Xamar!’”.
Habartii baa inta hoos u gundhisay tiri, “Haye, iska fariiso Xamar wuxuu yahayba waad arki doontaaye”.
Baabuurkii wuxuu sii dusaba mar dambuu meel ciid, boor iyo qashina badan isku soo kala fireeyey taas oo inta daraawalkii damiyey ka boodey dadkiina ku amray inay degdeg uga daataan si uu qaad ugu doonto. Dhagac baa laga yiri oo qof waliba inta xafashkiisa urursaday magaaladiisa dhan ka galay.
Tagsiilihii baa shakiyey oo is yiri, malaha waxa habartu sheegaysaa dhab ah. Wuxuu sii jalleecay Maryan mise iyadooo intii qof yaabo yaabban indhahana taageysa bay iska soo taagan tahay, intuu qoslay oo soo dagey dhankay taagnaydna u soo wareegey buu irridii furay inay fuushana u sheegay.
Irriddii la fur, meesha dadka loogu talo galay inay fariistaanna Maryan aragtay, ha yeeshee, dhibaato waxay ka joogtey sidii loo gali lahaa. Tagsiilihii oo agtaagan inay gashna sugayasa uu ugu xiro ayaa Maryan meel iyada aad iyo aad ula yar isku sii qaadday. Waxay kala heli weydey Madax iyo luguha mid la hor mariyo. Labadaba isku mar bay ku dayday wayse u suura geli weydey? Fooddana waxay dartay irridda dhankeeda sare cagahana dhankeeda hoose. Sidii banoon darbi lagu dhuftay bay dib u soo booddey iyadoo wax gaareen ha yeeshee qarsanaysaa.
Tagsiilihii ayaa qosol ka kacay oo yiri, “War cusub, caawana ma tanaa timid!”. Intuu isagii galay tusiyey sida inta loo galo loo fariisto. maryan markaasay iyadoon ka dhibaato la’ayn mar labaad madaxa soo gelisey. Aad bay u khajishanayd una baqaysey. Tagsiilihii oo qosol socon la’ baa inta wareegay baabuurkii kaxaystay, meeshey rabeenna waa u sheegeen.
Maryan oo mar naxday sida hadalku uga soo dhacay mar kalena habarta waanadeeda yeeleysa baa hoos inta isu soo gaabisay meesheedii ciriirka badnayd soo gashay.
Dhaqdhaqaaqa tagsiga iyo raaciddiisu waxay aad u cajabiyeen Maryan indhasarcaad baa u sii kordhayey marba marka ka dambaysa. Tagsiilihii oo qaadan la’ qoftana badownimadeeda baa mar damboo cabbaar la socdey inta habartii jalleecay yiri, “sidani ma idin ka dhabbaa mise anaad iga gadaysaan?”.
“Saa rabtidba ka dhigoo meelahaas noo jooji”. Habartii baa tiri.
“Ka dhigtaye, gabadhan ma baran karayaa? Waana iga dhabe ogsoonow, maxaa yeelay weligayba waxaan baadigoob ugu jirey qof tanoo kale ah,” Tagsiilihii oo qoslay baa yiri.
“Waa laydin ku yaqaana miskiin aad feylo goysaan dabadeed markaad isku dartaan durfigeeda meelahaas isaga tuurtaane adoon waxba cidla ku xiiqin hoo lacagtaada,” habartii oo ku dayeysaa hadaladaa tiri.
Maryan iyada ninka baabuurka raaxada badan watey aad buuba ula habboonaa xodxodadiisana kamayba dayriseen. Sida niyaddeeda ku badan, walowba hadallada kulule habartu u dhiibtey dhiillo geliyeen.
Baabuurkii baa laga degey Maryan sidii iyo ka daran baa dhibi ka raacday degiddiina. Meeshay ku socdeene aad ugu dhoweyd bay u sii tillaabsadeen. Wuxuu ahaa guri habarta saaxiibaddeed leedahay oy magaalada kaga soo degto. Irridday ka soo galayeen maahe waa laga hor yimid. habartii garwadeenka ahayd baa habar kaloo albaabka furtay ku soo booddey, “Alla waa saaxiibtay, Xaliimo iska warran ? Alla ma ku nabad keenay”?.
“Nabad Faaduma ee bal idinkuna iska warrama”, Xaliimo oo daallan siina gudbeysaa tiri,
“Waa nabad iyo ladnaane soo gudba”, Faadumaa tiri: Maryan iyada cid salaantay ma jirin.