Faarax Maxamed Yuusuf oo ku magac dheeraa (Ina sanweyne) waxa uu ahaa nin magac weyn iyo taariikh dheerna ku leh xagga fikirka fayoobida, garyaqaanimada iyo aftahannimada intaba. Wuxuuna taas ku helay aqoonsi weyn oo dadka Soomaaliyeed, meel kasta ha joogeene, ay u aqoonsadeen “xeel-dheerihii garta”. Ilaa iyo maantana, gole iyo madalweyne kasta oo gar Soomaaliyeed lagu gorfeynayo ina Sanweyne waa lagu hal-qabsadaa. Marka uu qof rabo in uu sheego, war ama go’aan kama dambays ahna, waxaba dhacda in uu yidhaahdo: “Waxaasi waa sidaas iyo sidaase ina Sanweyne u geeya” Taas oo loola jeedo in waxaasi sugan yihiin.
Odhaahda “ina Sanweyne u gee” ee hal-qabsiga noqotay waa mid ku timid sheekadan soo socota.
Waxaa dhacday in hal booli ah soo gashay oday la dhaho Faarax Maxamed oo Ina sanweyne soddog u ahaa. Muddo ka dib ayaa, ninkii hasha lahaa oo meel fo ka ka soo raacdo tagay gurigii yimid oo hashii qabsaday. Hase yeeshee, odaygii hasha hasytay wuu diiday in uu hawlyari boolidii isaga celiyo. Arrintii waxa ay istaagtau qir iyo qir. Wax la wadaba maekii dambe ayay labadii nin ku heshiiyeen in ay rag isula tagaan si loogu garqaado.
Odaygii hashay haystay baa markaas doortay in garsoorahoodu noqdo Ina sanweyne oo inantiisa qabay, isaga oo ka filayay in uu isaga garsiin doono, illayn waa soddogiise. Ninkii hasha lahaa, isaga ma uusan ogayn in labada nin isu soddog ahayeen, sidaas darteed ma uusan gawdhin Ina sanweyne.
Labadii nin ayaa dabadeed garnaqday. Markii uu gartii si fiican u dhagaystay, ayaa Inas sanweyne wax uu taladii gorfeeyaba, waxaa u caddaatay in uu soddogii gardaran yahay hase yeeshee, Ina sanweyne kama uusan hakan in uu xukun xaq ah rido. Kolkii go’aankii dhacay ayaa soddogii arrintii liqi waayay. Markii uu Ina sanweyne arkay in soddogii ka xumaadayna waxaa uu yidhi isaga oo soddogii u caqli celinaya: “Hebelow, gari sddog ma taqaano, seeddi iyo xil midna ma taqaan ee gari Allay taqaan, hanana waxaa leh ninkaas muslimka ah ee ka hurguri gaabso”.
Ninkii hasha lahaa wuxuu aad ula yaabay xeeldheerida Ina sanweyne iyo xilkasnimada uu Eebbe ku mannaystay. Wuxuuse la sii yaabay markii uu ogaaday in ninkii uu la garnaqsanayay in in uu ahaa Ina sanweyne soddoggii!. Goortii uu ninkii degmadiisi ku noqday, ayaa maalin maalmaha ka mid ah ninkii garsoor loo saaray, nasiibdarrise go’aankii markuu riday ayaa la cambaareeyay oo lagu yidhi gartu ma naqna, Haye yeeshee, ninkii kalsooni uu isku qabay daraadeed. Wuu u liici waayay haaraankii iyo cambaarayntii dadka waxaana uu ugu jawaabay hadalkan tisqaadka noqday: “Gartaasi sidaas bay noqone, Ina sanweyne u geeya!” Taas oo uu ula jeeday in ay gartu ku sugantahay sidaas uu u naqay. Ina sanweyne waxa uu ugu halqabsadayna ay ahayd aqoonsi uu u aqoonsaday in uu yahay xeerdhaadhi aan laga daba odhan.