Halqabsiyo dhoodaan

– Nabi Muxamed baa loo jeclaa, jaah mar la arkaaye (scw)

– Isagana waxaa lagu jirabay, inuu jihaadaaye

– Idinkuna xornimo saa jirtaad, jiif ka damacdeene

– Naftu inay maqnaatiyo inay, mahad ku noolaato

– Maaweelis  weeyaan haddii, mid u dhexeeyaaye

– War duudkaaga ceeb saaran iyo, diilintiyo jaaha

– Waxaaba kaaga duug roon adoo, meyd dafuufanahe

– Inkasta ood difaacdo oo warmaha, lagu daaduunsho

– Siday kuu damqaan nabaradaa, diifta kugu reebay

– Isagab dilkaagaa u dhibiyo, dakaharadaadiiye

– Baqaa door ah hay odhan Cabdiyoow, waa dameernimo e

– Halgan dhaawac loogama hakado, dhimasho yeelkeede

– Waraabaha ku ruugaaya iyo, aar ku raamsanaya

– Sidday kuugu kala roon yihiin, maad u kala reebtid

– Ninkii rodolna miisaama ee, kiilo raajiciya

– Ee raasamaalkuu helaa, rubuc ka hooseeyo

– Xisaabtaa inuu dib u rogrogo, sow ra’yigu ma aha

– Jilaal abaaraad hadduu, adhigu kaa liico

– Ama khoof diraaceed haddii, lagugu aaheeyo

– Ogaadaay ayaamaha gu’ baa la irkan doonaaye

—————————————————

– Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maanqashiyo ciil leh

– Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liita

– Markuu adiga sharaftaad mudnayd, kaa maroorsado e

– Hooyadii figeeyoow maxaad, adigu faa’iiday

– Mataankaagii ood xaasidaa, murugaday keento

– Carabtii midowdaa og iyo, kii macooda ahe

– Masarba waa wixii lagu qabsaday, gacal la moohaaye