Q-41aad taxanaha adeegtoo

Photo by ArtHouse Studio on Pexels.com

adduunyadiiba inta kacday baa si loo noolaado la garan la’ yahay. Wallaahay inaan maalinka maanta ah haddii kumanyaal laguu dhiibo ayan qado kuu goyneyn. Naa wax kasta waxaaba ka daran adduunka suuqa Madow noqdaye, wixii la qaadaba qalloc qalloc doonayo,” hadalladaa iyagoo u wada jira baa waxaa tuurtay gabdhihi yimid. “Naa aamusa, haddaad idinku dayrsataan yaa nool baad u malaynaysaan habeen iyo maalin hanti aydinaan tabcan baad futeyneysaan, qaad, khamro, dhaylo, caano, faanta-ooranji iyo wixii kalood garanaysaane gacantogaaleyn ama daaca dheeraad ah,” Faadumoo is mashushiiraysaa tiri.

“Eeddo, waa runtaa, laakiin adna arag sida, sida miyaadan arkayn sida dhalankayagu isu dhaamay,” mid gabdhihii ka mida baa tiri iyadoo hadba saanteeda saree cududda jiidjiideysa.

Mid kalaa iyana intay soo booddey tiri, “Naa buus, maxaad beenta u sheegeysaa, ma adaa hadda ka xun ama ka liita markaad dadnimadiyo tumashada soo gashay, sowdigani inta xuubsiibtey midab ciideedka yeeshay awalna waad ogeydoo jilfaad lahayd”.

Tii hadalku u dhaceyey ayaa may aamusine soo tafaxayadatay oo tiri, “Dadow run sheeg, dadow uga qaado. Maxaase adiga wax kaa weydiinayaa sow taan ogahay ma ahid.” Mid saddexaad oo iyadu aad ugu mashquulsanayd meelo kaloo aan hadallada la wado daneyneyn baa inta soo kuurkuursatay habar Faadumo u qabatay oo tiri, “Eeddo, naagahan daacdaacaya iska daayoo waxaan ku weydiiyey, ilaa iyo hadda cid timidi ma jirtaa? teeda kale aniga waa inaad kaalinta u horraysa igu dhigtid maanta oonan marnaba gacan marraan.

Eebbow mid khayre ama gaal ah ama iska roga waalan”.

Habartii, “Waxba kama qabo anigu taa, ha yeeshee waxaan ka baqayaa inay arrintu xulasha noqoto oy isku qorid ka baxdo. Teeda kale weli wax lama hayoo waa aroor dee. Waynu sugnaa, waxaana roonaan lahayd in markii la bilowdo saaxiibadahaagani dhuuntaan si ayan kuu fallisin oyan marnaba soo bixin ilaa aad gadmayside si fiican u gacan galaysid,” bay tiri.

“Haa, wallaahay waa runtaayoo waa midda kaliyee meesha ku jjrta. Naa naga dhuunta markii wax soo ceelalyeeshaan, illeen kolley idinku wax idin waraabiya waayi meysaanoo mar waad iga dhalin yartihiin marka kalena iga qurux badan tihiine”, tii is gadeysaye mammanayd baa intaa daacday.

Kuwii la faaninayey sina loo kaalin duwayey baa inta is eegay qosol gaabanoo diidmiyo xasdi ku jiro dhag ka siiyey. Hadal way diideen. Indhaha ayuun baa layska wada eegay iyadoo indhaha laysu wada dabayo, dhufayskana la isugu jiro.

Inkastoo dani isu keentay dadkaa badan mid mid bixin lahayd ma jirto. Hoos ayaa layska wada neceb yahay. Faadumo iyadu waxay aad u qaadan la’dahay dhabna u danaynaysaa Maryan. Waxay u rabtaa inay xalqada soo galiso, weliba maadaama ay tahay qof cusube curdan ah waxay dooneysaa inay hanti badan ku hesho, rag magac iyo maal lehna ku callaafadeyso si ay hadhow u maasho meelahay rabtana ugu gaarto.

Sagal oo iyadu, inkastooy qofaan sidaa u da’weyneyn ahayd garashase leh, arrintan meesha taal xog ogaal u ah baa Maryan inta kaxaysatay aad ugu qaadaadhigtay waxa meesha lagu hayo.

“Alla walaaley adoo mahadsan, waxaan kuu sheegayaa inaan anigu xalay magaaladaba soo galay oonan waxba ka garanayn nolosha lagaga nool yahay carrigan, horayna aanan u ahayn qof ama hanti u lahayd ama aqoon anoo si doora kuugu mahadinaya waanadaa wacneed i siisay haddana bal wax indha-indheeyoo sidee baan wax yeelaa?. Waxaan kuu hubinayaa inaanan dooneyn noloshan,” Maryan oo cabsi iyo yaab isu qabteen baa tiri:-

“Anigu meelaan kuu tilmaami karayaa ma jirto, hadalkaana waxaa iga keenay xumaanta aan halkan ku arkay iyo anoo is iri qoftani waa miskiin aan luggooyada intaa le’ig qaadi karayn. Alla naa bal u kaadi! Reera daris nala ah baa shalay gabar u adeegta doonayaye Allaylehe aan soo fiirsho, ba’ina keenba soo eegnee”, Sagal baa inta intaa tiri istaagtay. Kor baa isku mar loo wada boodey, waxbana lama sugine waxaa toos loo aadey reerkii. Gurigii baa la tegey oo la garaacay. Habar da’ ah baa ka furtay oo tiri, “Haye maxaa darraa ood dooneyseen”?.

“Eeddo nabad, ciddii gabadha ciidanka ah dooneysey soo idinka ma ahayn”? habartii baa inta faraxday tiri, “Haa maandhe ee ma ciidan baad haysaan, ma idinkaa raba inaad shaqaysaan?”.

“Sagal gudba maandhooyin” Habartii baa tiri, “Waa cidla oo ninkii iyo naagtiiba shaqay aadeen anoo sidaad ii jeeddaanba qof- taa cadka ah baa iska dhex jooga; ninka hooyadi baan ahay. Shaqa waa laydin siinayaa xataa haddaad labadiinnuba rabtaan. Ma mid rabtaa mise labadiinnuba?”.

“Mid naga mid ahaa rabta, haddii taasi idiin bogto asaad qof u baahataan waannu idiin wada shaqayn doonnaa,”. Sagal, baa tiri.

“Haah, gartay, haddaba, waxaad yeeleysaan haddaad rabt- aanna waad ila joogeysaan ilaa ninkii guriga lahaa yimaaddo, haddii kalood wax hawla leedihiinna duhurkii baa noo imaanaysaan”, habartii oo aad ugu faraxsan imaatinka Ciidanka baa tiri.

Maryan iyo Sagal baa is eegay. Madaxaa laysla nuuxshay. . Maryan baa tiri, “Maxaan yeelaa” ★“Maxaan yeellaa waa maxay adigu waad joogeysaa anna waa tagayaa,” Sagal, baa tiri, ★“Waa yahay walaal, laakiin hal ogsoonow inaad goor walba iga soo war- qabtid. Anigubase waa garanayaa gurigiinna inkastoo…” Maryan oo aad u faraxsan baa tiri.

“Taa aniga igu duub nabadeyna. Eeddo gabadhaas baan idiin reebnaye noo hagaajiya. Hadday hagaagto anna waa idiin imana- yaaye ogsoonow,” Sagal baa inta intaa tiri baxday.

Meeshii baa waxaa isugu soo haray habartii iyo Maryan oo aad u faraxsan. lyadoon waxba hadal bilaabin baa waxaa soo noqotey Sagal oo tiri, “Maryan, kaalay bal”.

Maryan baa u timid waxbana may hadline iyadoo waxay oran doonto dhegta la sugaysay is agtaagtey…