Dhulka Dhulka iglan lagu magacaabo waxay lahayd waxyaabo ay ka mid yihiin xoogga biyaha, birta iyo dhuxusha dhulka laga qodo. Seddexdaas oo wada socdaa waxay Iglan u suurtagalisay in ay u hawlyaraato sida birta loogu shubo loogana sameeyo makiinado lagu adeegto. Qalabkaasuna markaa tacabka kor u qaado. Nasiib wanaag waxay iglan u ahayd in goballada biyaha leh ay ahaayeen kuwo dhuxusha laga helo. Goballada Lanshire, oo ugu badnaa alaabta caydhiin, waxay kaloo lahayd marso fiican oo la yidhaahdo Libar-buul.
Marsadaas (dakad) waxaa laga diri jiray alaabta caydhiin ee laga keeno waddamada shisheeyaha. Markaas waxaa hirgay tareenka oo aad isugu xidhay ganacsigii dhulka. Waxaa kale oo Iglan caawiyay in ay lahayd dul-qaad siyaasi ah oo nimankii Brotastanka ee Flemishka iyo Fransiiska ahaa ee laga soo caydhiyay waddamadii ay u dhasheen ay qaaxooti ku yimaadeen Iglan. Nimankaas oo cilmigii farsamadii horay u mariyay. Nimankaasu waxay soo kordhiyeen aqoon iyo farsamo. Culimadu sooyaanka ilbaxnimanada waxay marar badan ku qiyaasaan hadhaynta iyo horumarinta farsamada iyo tignoolajiyadda! taas oo ina tusaysa heerka nolasha laga gaadhay.