Abwaanka iyo Nabsiga

Sayid maxamed:  Nabsiga

Dad qaraab nin kuu xigay hadduu, kugu dugaagoobo 

Maruun baa dafaarkii fakday, dabin ku rooraaye 

Bal dayooy nabsigu waa wixii, daaha yuuraraye…

Saafi bulux:  Nabsiga

Erey kalana waa Eebahay, midaan ka eegaayo

Illaahiyo asmada diinta iyo, udubka Jiilaani

Awbaahilaabiyo intaan, ehel wadaageynay

Awliyo dhammaanteed waxaan, u Alla dhaawoodey

Haddaan amarka Eebbaa hayee, nalagu soo oodin

Nabsi aan kollaba oolin waa, la arki doonaaye…

Dhoodaan:  Nabsiga

Nabsi guratay goor aad hashaba waana iigodobe 

Ninka gabiga igu soo dun shoow soow ku garan maayo…

Salaan Carrabay: Nabsiga

Tuurta haku qaadina nabsiga meesha soo tubane.

Tagoogada na jaban saw shanshadu, tiinna kuma oollin.

Nimanyohow hungada nooga tudha, taagan mageceenna

Haddii kalese kala toobsannaye, taa halla ogaado…