“I maqal lacagta yaan lagugu gabrine si hadhow haddaad is afgaran weydaan aad ayaamo u noolaan kartid amaad nooliba u heshid waa inaad ka digtoonaatid”, sagal baa tiri.
Maryan baa inta madax ruxday aad ugu riyaaqday waanada iyo wanaagga inanta yare meel looga soo diray aan la garaneyn. Sagalna iyadoo is neefineysa guulahay gaartay dartoodna u muuqata qof ku faraxsanoo ku faanaysa bay Maryan garabka inta ka sii dharbaaxday hore u sii dhaqaaqday.
Maryan baa inta ku soo booddey Sagal gacantana soo qabtay tiri, “Alla walaal, aad iyo aad baad u mahadsan tahay.”
“Waxaanna kaa codsanayaa inaynu iska war qabno had iyo goorba, Anigu kolley abaalkaad ii gashay ma gudi karayoo horaa loo yiri: (qof abaal gala waa la arkaa qof gudase lama arko). waxaan saaka ogaaday in garashada iyo xilkasnimadu ayan ku xirrayn da’ weynida ee loo kala dhasho, taasna waxaa tusaale habboon u ah farqiqa adiga intan le’eg iyo eeddaada labaatanka jeer ku dhali karta u dhexeeya. Waxbase yaanan ku daahine waa inoo sidaa, is arag damboo joogta ah iyo abbaye nabadey”.
Maryan baa dib ugu soo laabatay habartii cadka ahayd oo guriga dhex tukubeysey. Waa layska wada fariistay. Saacaddaa ka soo wareegey intii shaqo la’aan ay iska fadhiyeen meeshaa. Goor dambe ay duhur tahay baa irriddii waxaa soo garaacay dhawr ilmo ahoo isku qaylinaya. Habartii intayan kicin baa Maryan kacday oo istiri adaa yaroo duqda ka fudude fur. Way sii orodday oo irriddii inta is agtaagtey damacday fur. Si loo furay garan weydey, maxaa yeelay waa markii ugu horreysey oy la kulantay irrid sidaas u xiran. Horay ulamay kulmin sakatuurada qaabkaa ah. Waxay taabatay birta isu haysa irriidda iyo derbiga, waxbase way ka hagaagi waayeen. Ilmihii baa si xun u guraacay irriddii. Maryan markaasay sii naxday iyadoo ka foorarsaneysa aqoon darradeeda iyo sida loo oran doono waa badawad aan waxay ogtahay jirin. Iyadoo naxdin kurbanaysa meeshiina iska taagan oo xataa garan weydey duqda ku noqdo runta u sheeg baa duqdiiyoo u adkaysan weydey garaaca goobtii timid. “Naa heedhe waa sidee, maxaad irrid baasta u furi weydey, mise adaaba mid dhega xirane hadda hawdiyo meel daran laga keenay ah”.
Habartii oo hadalkaa leh baa fag irriddii ka siisay.
Hadal kale intuunan Maryan iyo duqdii dhex marin baa oodda waxaa soo jabsaday ilmihii irridda dhoobnaaye in laga furo sugayey. Qaylo iyo buuq bay la soo galeen. Diifta, buska, uskagga iyo wasakhda ka muuqata ilmuhu waa wax kale, dharka dugsiga dhexay qabaan. Boorsooyin kakab badan iyo buugaag wada cajillo ah bay wada lulayaan. “Ayeeyo wiilkaan ma aragta?. Ayeeyo wiilkaa ma aragtaa? Ayeeyo waa beenteed! way edeb daran tahay, iyada i maagtay waa beentoode anigay labadooduba maantoo dhan i maagayeen. Alla waataan kaa khayaameeyey jallaatadii. Heeh, maxaad adiba ku dheeftay sowtaan ciidda kaaga ridey!” waa hadalladay ilmuhu is weydaarsanayeen.
Maryan markay aragtay in ilmihu reerka yihiin bay aad uga naxday oy istiri: “belaayadan yaryari meelay joogaanba khayr ma qabaan!”
Intiibana waxaa kaloo iyana yimid ninkii iyo naagtii reerka lahaa oo irridda ku wada kulmay. Mid kastiba dhankiisuu raashin aan bislayn u sidaa. lyadoo laysa salaamayaa la soo wada galay. Ishaa waxaa lagu wada dhuftay Maryan iyadoo niyadda laga wada jeclaystey inay adeegto u noqoto. Ka hor Maryantan u doonnan reerku wuxuu soo maray ugu yaraan lixdan adeegto oo waxay eryaan, wax ka dhuunta iyo waxay isba farahana isula tagaan noqday, reerku aad bay ugu baahan yihiin.
“Haye hooyo, bal maanta madax wareerkii ka warran?” Ninkii reerkaa yiri intuu habartii u yimid madaxana qabtay.
“Maandhe maanta waa ladnahay. Hase yeeshee ma ogtihiin inaan gabar inoo helay?” Hooyadii baa tiri.
“Alla, allaylehe khayr baad sheegeysaa. Oo magabadhaa jalaqsan baa?” Afadii reerkaa iyana inta qososhay tiri.
“Alla ogoo waa inantan is kala shubaysee gabadha xaafaddaba baraha dheeraysey. Maxaadse kaga daali kolley waa gabar maanta joogtoo gol daloolo laga waayi maayee,” Hooyadii baa tiri.
llmihii markay maqleen inantanaa idiin adeegi doontay kor iyo hoos ka eegeen oo ku soo carereen oo goonyaha iska taageen kuwii ilmaha dhalay sidoo kale, maryan intay khajishey bay indhaha isku qabqabatay. Odaygii reerka oo ah ugaarsade weyn ama dilaa caan ah ayaa fahmey cusaybka ama waayaaragnimo yaraanta inanta ka muuqata, eegmadiisii ayuu hoos ugu sii dhigay, aadna waxaaba u cajibeyey quruxday u dhalataye qaawan.
“Haye hooyo, ma cid baa kuu keentay mise si kalaad isu af garteen”? Saygii reerka yiri.
“Si kastaba aan isu hellee, qoftani shaqay rabtaaye la heshiiya, halna ogaada waa badowe wax bara. Sida ka muuqata ma aha qof ilbax ah ood sidaa uga baqdaan kolley ayaamaha hore” hooyadii reerkaa tiri.
Hadalladani markay dhacayaan Maryan ma maqlaysoo waxaa lagu jiraa qolka hurdadee reerka.
Waa lays wada eegay Saygii, afadii iyo hooyadii. “Waxaan filayaa inayan sinaba uga fursaneyn shaqoqoriddeeda”, saygii reerka ayaa yiri.
“Ma xuma, jirto, inaan iska eegnaa habboon, haddaan doonno muddo tijaabo ah baynu siin karraa”, afadii baa tiri”. Qof siday u cusub tahay u cusub magaaladuna ugu hor tahay ma sahlana. Marka inkastoy dhibteeda leedahay haddana iyadaa ka aaminsan kuwa ilbaxaye habeenkiina qayila, maantiina wax kuu macajileya, ee taa ha loo dayma lahaadoo”, Hooyadii reerkaa tiri.
“Ah, ah, ah, hooyo cusaybkeedu wax uu faa’iido leeyahay ma lehoo marka horena innagaa ku dhib qabna illeen waxbaad baraysaa waxay walaaqdee xunna waad u dulqaadanaysaa, mar alla markay wax kala barato oy ilbaxdana markay doontay iska dhaqaaqaysaa. Marka qoftana iska qoranno intii muddo ahna isaga meel gaarno, hadday iyadu qof khayr noqotase waa halkeeda,” Saygii baa tiri.
Afadii reerku iyadoon wax hadala ka dhiiban bay sida saygeedu ku taliyey iyo tusaaluhuna dhiibay ku raacday.
“Bal hadda iyada u yeeroo la heshiiya”. Hooyadii oo sii baxaysaa tiri. Labadoodii kalee reerka lahaa baa is dhugtey. “Haye maxay kula tahay ugu badnaan in aynu mushahaar u siinno inantan iileen adigaa wasiirka dhaqaalaha reerka ahoo bal horta mushahaarku yuu noqon mid mar kaliya inta lagu dhawaaqo dabadeed halkiisa weligiiba fadhiya. Innagoo ka eegeyna qoftani siday ushaqo taqaan iyo geesinimo-galinteeda hadda waxaan ugu bilaabaynaa lixdan shilin, hadday ka soo raysoo aynu u bognana waan u kordhin doonaa.
Mise sidaa kulama aha?” Afadii baa ku jawaabtay.
“Ah, ah, ah, waryaa dumarku isu daranaa! isu xaasidsanaa! oo waxaan ku weydiiyey maxaad ku keentay qof bani’aadam ahoo intaa le’eg shaqadaad garaneysidna qabanaysa, waliba nool waqtigan aan joognee wax waliba cirka yihiin intaa mushahaar ha u qaato! adigu immisaad qaadataa waadiga habeen iyo maalinba karayee!” Saygii, oo si u qoslayaa yiri.
“Haye, adiguna markaasaad wax aan loo joogin qaadaa- dhigtaa. Lixdan shilin ka badan anna nagama baxdo,” afadii oo si isu gashay baa tiri.
“Waxaan filayaa mama taasi suura gal noqon maysee qorshahaas wax ka beddel”, Saygii oo is xanaajinayaa yiri.
“Adigu iska daayoo haddaan anigu iyada yeelsiiyo ma waxbaad ka qabtaa?” Afadii oo qosol beenlaynaysaa tiri.
“Anigu waxba kama qabee yeelsii,” Saygii baa yiri.
lyadoo meeshii la joogo baa Maryan loo yeeray, iileen haddaba in adeejis lagu bilaabaa la raabye, way soo gashay. Mise guriga lagu jiraa qurux iyo dhaldhalaal badanaa.
“Haye gabar, magacaa adigu”, Afadii baa waydiisey
“Maryan”, ayey ku jawaabtey
“gartay. Waxaan ku weydiiyey, adigu soo shaqo ma rabin?” Afadii baa tiri.
“Haa”, Maryan baa ka daba tiri.
“Sida wax loo kariyo ma taqaan?” Afadii baa sii weydiisey
“Wax waa aqaan,” Maryan baa ku jawaabtey
“Horay Xamar ma u joogi jirtey?”
“Maya,” Maryan baa tiri
“Goormaad timid Xamar?”
“Xalay”, Maryan baa ku jawaabtay
“Ma xalaydan?” Afadii baa tiri
“Haa,” Maryan baa tiri.
Afadii iyo saygeedii baa inta is eegay qosol aan cod lahayn dhag ka siiyey. Maryanse jirruu qosolkaasi ku beeray iyo iyadoy kusii weynaatey jirradii ahayd qofaan Xamar ku noolayni dad ma ahoo waa badow. Wajigeeda ayay ka soo ifbaxeen khajal iyo xishood baqdineed ee xummad wataa, wayna fahmeen xanuunka Maryan haya markaasay haddiiba joojiyeen qosolkii iyo yaabkay muujinayeen.
“Waxaan kaloo weydiiyey Xamar yaad u timid, ma cid baa kuu joogta mise… ?” Afadii weydiisey.
Maryan baa inta fekertay is tusisay haddaad tiraahdid cid baa ii joogta waa intaa oysan kaa nixine isu sii miskiiniyoo runta u sheeg, oo tiri “maya cidi iima joogto. Anaa iska imid”.
Mar labaad baa lays eegay, eegmadaasoo Maryan u qaadatay in loogu naxariisanayo, dhanka kalaysa ahayd iyo inay debin iyaga ugu jirto.
“Gartay, meeqaad ku shaqaynaysaa. Waxaan u jeedaa lacag meeqaad bishii rabtaa inaad ku shaqaysid? Afadii baa tiri.
Maryan baa naxday markay mushahaar iyo lacag maqashay. Waxay sheegtay garan weydey. Maskaxdeedaa dib u fekertay oo waxay hor keentay lacagahay taqaan: Taano, kumi nushilin, shilin, shan shilin, toban shilin labaatan. Wax labaatan shilin ka badan waligeed faraha ma saarin. Hadba dhan bay eegtay. waxaa kaloo ku wareegayey hadalkii Sagale ahaa mushahaarka yaan lagugu dagin. Lacagahay tiqiin bay isku dardartay. Shan, toban, labaatan, waa isku soddon iyo shan. lyadoo xiiqsan hadalkunaciriiri kuyahay bay si naxdin ku jirto waxay u tiri, “soddon iyo shan baan ku shaqaynayaa”.
Saygii oo aad u dheehanayay Maryan iyo siday lacagtu u mrjsh- quulisay baa qosol ceshan waayey sidoo kale afadiina. way qososhay.
Maryan markay wax isku dardareysey farahay tirineysey.
Mar kalaa inta lays eegay laysu iljibiyey, “waa yahay Soddon iyo shan. Maya afartan baad ku bilaabaysaa hadda, hadhowna had- daad noqotid qof loo bogo waa laguu kordhinayaa. Maanta laga bilaabana gabadhii reerkaad tahaye ogsoonow,” Afadii baa tiri.