Ilbaxnimada Afrika inkastoo aysan xagga tiknoloojiyadda horumar ka gaadhsiisnayn, waxay ahayd mid aad u qiimaysa dadnimada, lehna dhaqan, falsafad, diin, farshaxan iyo hiddo dhaqan gal ah. Dhaqamada reer Afrika, waxaynu u qaybin karnaa kuwo qoraal ah oo ay samaysay diinta Islaamku iyo kuwo Afrikada kale ah.
Diinta Islaamku waxay Afrika soo gashay muddo fog, magaalada Xamar ayaa laga helay xabaal lagu aasay haweeney muslimad ah oo magaceeda a yiraahdo Faadumo Cismaan, dhimatayna qarnigii labaad ee Hijiriyada billawgiisii, taas oo inoo caddaynaysa in diintu soo gaadhay Xamar intuu uu Noolaa Nebi Muxammed Naxariis iyo nabadgaliyo korkiisa ha ahaatee.
Afrikada galbeed sidaan horay u soo aragnay waxay weligeed xidhiidh ganacsi la lahayd Afrikada waqooyi, waxaana ka dhashay qarammo waaweyn, kuwaas oo ahaa Maali Songhay. Diintu waxay soo kordhisay Af-qoran, waxayna suurta galisay in ay dhalato dabaqad aqoon qoraal ah ku dhisan leh oo kaalin weyn ka gashay maamulka dawladnimada. Diintu waxay qiimo jabisay xiriirkii isir wadaagnimada, waxayna noqotay xarig isku xira dadka ku nool dulkaas oo dhan. Madaxdii Gaana inkastoo aysan muslim ahayn, waxaa u shaqayn jiray dad Muslimiin ah, kuwaas oo u ahaa Karraaniyaal. Maali madaxdeedu iyagu Muslim bay ahaayeen, waddankase waxaa weli awood ku lahayd diimihii Afrikaanka. Wakhtigii Songhay ayay diintu aad u tabar yaraatay saamaysayna sharciga iyo maamulka dawladda. Timbuktuu iyo Janne waxay lahaayeen culimo caan ah oo qayb weyn ka qaatay qoridda taariikhda Suudaan iyo ka hortagga dadyowga soo faragaliyay midnimada iyo qaranimada dhulkooda.
Faafidda diinta Islaamka, waxay gaarsiisnayd magaalooyinka waaweyn iyo sayladaha, miyigase kuma aysan xididaysan. Dhaqan kale oo qoraal ahi, wuxuu ka xirgalay xeebaha Afrikada bari, waana ilbaxnimadii Sawaaxiliga taas oo Muslim ahayd aanse Carab ahayn. Ilbaxnimadaasi waxay lahayd af qoran iyo diin, waxayna u kala tilmaamaysay dadka xumaanta iyo samaanta. Ilbaxnimada Sawaaxiligu horeba way u jiri jirtay, waxayse soo gashay nolol cusub oo aad isu baddashay qarnigii 18aad markaas oo la billaabay in afka Sawaaxiliga ah lagu qoro af carabi. Qoraalkii ugu hirreeyay ee laga hayo afka Sawaaxiliga waa gabay la qoray 1728, wixii wakhtigaas ka dambeeyay xagga suugaanta aad buu uga hodmay. Ilbaxnimadaas waxay ku ekayd xeebaha.
Magaalooyinka ku yaal xeebaha Soomaaliyeed, oo sidaan horayba u sheegnay diintu ugaba soo horraysay waddamada carabta qaarkood, waxay ahaayeen meelo lagu barto diinta oo culimadu u soo aqoon doonato. Afrikada badankeeduse waxay haysatay dhaqan oraah ah oo xagga murtida iyo dhaxalgalinimada aan waxba u ogayn dhaqammada adduunka kale. Laamaha ay waxbarashadu ka kooban tahay dhammaan waa la tixgalin jiray. Dhallinyarada reer Afrika waxaa la bari jiray caadooyinka, dhaqanka, hiddaha, taariikhda, diinta, sharciga iyo farsamooyinka.
Caadooyinka, sharciga iyo diintu waxay tilmaami jireen wada xiriirka bulshada iyo suugaanta. Taariikhduna waxay dadka ku beeri jirtay jacayl uu u yeesho dalkiisa iyo nolashiisa. Xagga farsamada waxaa la bari jiray farsamooyinka qofku wax ugu taro dadkiisa iyo dalkiisa.