Suura gooni ah

Abwaan Maxamed dage Allaha u raxmee oo la yaabban qolo marti diyaafadin weyday oo horay isku dhaafisay. Waa gabay aan ka soo qaatay tuduco ka mid ah gabaygiisii “Suura gooni ah”

• Niman subax gadoomaa ka tagay, surinkii Ciideede

• Salaad iyo salaadeeda kale, saa’id iyo caawa

• Intaaseey sudaha maaxayeen, sool qar oodan ahe

• Sibraar iyo ma sidan wiilashii, sahaydii caanoode

• Saamaale awr iyo ma wadan, hilaygii saaraaye

• Iyagoo sadoodo leh la gaadh, qeyro saraf weyne

• Sinnaad looma maaxine la fahan, yaan ku simanaaye

• Samaan ina adeer iyo tolnimo, laga sokeeyowye

• Niman seediyaashi ah yuu u tagay, suramadiisiiye

• Salka dhiga markay sugahayeen, sii socduu yidhiye

• Iyaguba samuudlow horweyn, ma ay su’aaleene

• Sangaha xoogga weyn iyo mindhaa, sumal ma doonayne

• Xeedhyaha sanuunadan iyo barnida, Saaxil laga keenay

• Wanka sabarka weyniyo goolalkii, Sibi kusoo naaxay

• Waxba yuusan sogobyaalka u qalin, seero-daaqyada e

• Waxba yuusan sadkii gobi taqaan, yaraha saaweyne

• Suruq iyo harraad baa dilee, badhax koluu siiyo

• Allaylehe surquun kalama tagin, seediyaaladiye

• Bal aan sugo sancadan la ii waramay, waxay ku suurowday.

Doollo.com