Macallin

Taariikhda umadda Soomaaliyeed way dheer tahay, macallinkuna waa la fil dadkiisa. Wuxuu jiray oo joogay illaa intii umaddiisu jitay, haseyeeshee, jiritaanka macallinku wuxuu ahaa welina yahay mid u lahaa dadka umaddiisa macne iyo xasuus weyn. Wuxuuna ahaa macallinku wax nool oo leh dhaqdhaqaaq daynamik ah iyo aragti dheer oo ka faalisa ama faaqidda waxa jira iyo waxa jiri doona. Faalistaas iyo daaqidaaddaas wuxuu la socodsiinayaa macallinku koritaanka ama korodhka beesha uu ku dhex noolyahay, sidaas darteed waxaa la odhan karaa macallinku waa kaaliyaha isbaddalka iyo kan riixa ee dhaqaajiya horukaca si uu u soo dedejiyo isbeddelka xilli kasta oo loo baahan yahay.

Nolashu weligeed isbeddel bay ku jirtaa, wax kastana meeshooda ma taagna ee way koraan, waxa koriya ee horukaca dhaliyana waxaa ugu weyn waayo-aragnimada qofka. Cilmigana sidiisaba waa waayo-aragnimo la aruuriyay. Qofka gaadhsiiya dadka waayo-aragnimadaas cilmiga noqotay waa macallinka. Cilmigaas ayaana dadku ku beddelaa nolashooda oo hadba ku askuman dhaqna cusub. Waxaana lagu tilmaami karaa inuu yahay nolol iyo karti koriyaha ummadda: Xilli kastana waa hoggaamiyaha iyo horseedka dadkiisa. Macallinka Soomaaliyeedna sidaas buu u muuqday waligiis.

Marka islaamku soo galay dalkeena, macallinka Soomaaliyeed wuxuu ka soo dhalaalay kaalintiisii ahayd faafinta islaamka. Meel kasta wuxuu ka furay dugsiyo lagu barto aqoonta iyo ilbaxnimada cusub. Masaajid kastana wuxuu ka dhigay gole loo soo raadsado cilmiga. Hawsha noocaas ah cidina uma diri jirin. Wuxuu arkay, aqoonsadayna xilka ka saaran waxbaridda iyo ilbaxnimada ummaddiisa. Runtiina, waagaas baa la orann karaa waxaa billaabmay macallin dhab ah oo hawshiisu tahay macallinimo.

Macallinku waxaa uu qayb weyn ka qaatay, soo noolaynta dhaqanka iyo dhismaha bulshada maanta. Waxaa kale oo uu qayb buuxda ku lahaa dawladihii iyo ilnaxnimadii  ka dhismay dalka Soomaaliyeed muddadii u dhaxaysay qarnigii toddobaad illaa iyo qarnigii sagaalaad iyo tobnaad. Dawladihii Saylac, Herer iyo xeebaha benaadir sida Xamar, Marka, iyo Baraawe, waxay ahaayeen kuwo ay dhaliyeen macallimiinta dugsiyada iyo masaajidda. Abbaanduulayaashii daafici jiray barbaarin jirayna dawladaha waxay ahaayeen barayaal.

Qarnigii sagaalaad iyo tobnaad markii gumaysigu dalkeenna soo weeraray, wax fahmay kana dhiidhayay dhibaatada soo foolleh waaa ugu horreeyay barayaasha Soomaaliyeed. Ragga taariikhda cusub caanka ku ah oo ay ka mid ahaayeen Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Sheekh Xasan Barsame iyo Sheekh Bashiir waxay ahaayeen culimadii wax laga baran jiray. Iyaga ayay ahaayeen kuwii aragtidooda gaadhsiiyay in ay dareemaan waxyaabaha gumaysiga la soo socdo. Dabadeedna, wuxuu mid kasta meeshiisa ka billaabay dhaqdhaqaaq iyo dagaal uu kaga hortagay gumaysiga iyo cawaankiisa. Taas ayaynu ka garan karnaa in uu macallinkeennu waligiis ahaa, yahayna indhaha aragtida dheer iyo aqoonta fog ee dadweynaha ee uga soo diga dhibaha khayrkana tusaaleeya.

Qarnigii labaatanaad, waxbarashada Soomaaliya waxay qaadatay majiire cusub waana ka ballaadhatay tii hore, waxaana ku soo biiray dugsiyadii hore ee Qu’aanka, dugsiyo madani ah oo laga barto culuunta cusub iyo tignoolajiyada cusub. Nidaamkaas cusub ee waxbarashada ah waxaa la dhashay nooc cusub oo macallimiin ah. Waxaa faan inoo ah in macallimiinteennii hore ee dugsiga iyo masaajidda ka soo jeeday iyo kuwii la dhashay dugsiyada cusub inay noqdaan kuwo is walaalsaday isuna kaashaday dhisidda qaranimada Soomaaliyeed iyo xoraynta dhulkooda.

Taas waxaa makhraati u ah in raggii billaabay dhaqdhaqaaqii gobanimodoonka, dagaalkii 1aad ee dunida ka dib ay ahaayeen kuwo ka soo jeeday labadii nidaam ee waxbarashada, kii hore iyo kan cusub. Xorriyadda aynu maanta ku faanaynana waxaa keenay isla jiritaankii iyo midnimadii ummadda Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayay macallinka Soomaaliyeed, agoo si dhab ah u cabbi jiray niyadda iyo doonista umaddiisa.