Q-39aad taxanihii adeegto

Photo by Amber Janssens on Pexels.com

Meeshii loo nuuxsadaba habar Xaliimay iska daba geleysaa. Welina waxaa aad ugu weyn baqdintii, fajicii iyo qaladay Xamar ka qaadday. Sidii wax didsan bayna u boodboodeysey.

Waa la fariistay, shaah baa loo kariyey cunto kaloo loo diyaariyana hurdaday ka door bidayeen.

“Oo gabadhana yaa inoo dhalay illeen innagu waa is naqaanoo weligeen wax ma aynu dhalin”. Faadumo ayaa tiri.

“Gabadha cid dhashayba la dhal caawase innagay magan inoo tahaye ogsoonow,” Xaliimaa tiri.

“Haa ku gartay, waa gabar Xamar u soo xiistay, dariiqaana isku soo barateen sida muuqata”, Faadumo oo qoslaysa ayaa tiri.

“Haah, allow wax wax na tara hannoo waayin. gabadhan Maryan baa la yiraahdaa waana qoftaad u jeeddide quruxdaa Alla u dhaliyey weliba ay u dheertahay gabarnimada runta ahee dabiiciga. ah. May aha sida gabdhihiina reer Xamaree iyagoo kol hore ka guurey gabarnimadii haddana weli laga daba wado. Anigu waxaan aaminsanahay gabarnimadu inay tahayoo keliya meeshaan isla garanayno, haddii meeshaas qardowdo ama lagu xad gudbo gabarnimo waa ku deysey,” Xaliimo iyadoo rabtey inay Maryan si aan toos

“Oo hadda waa hubaal in qoftani gabarnimada sidaad adigu u haysatid tahay?” Faadumo tiri: “sidee weeye, ma qof waxayan hubin ku hadaaqdaan kuula ekahay, Waabase i taqaane waa sidee”! Xaliimaa tiri.

Maryan halka waxay ka heshay fekred iyada gacan siin karaysa awalba way iska maleyneysey in Xamar ahayd meel ka heer sarraysa meelaha kale, iyadase waxaa wax kasta kaga kala weyn meelay wax marin doonto iyo sida arrinteedu isugu luga duwan doonto. Aragtay in habrihii yihiin kuwa inta da’ jooga gablan ah. “Booyaalow, may adigaba ku dhalaan oy ilmo kaa dhigtaan bay iskula hadashay”. lyadu may hadale hadallada habraha uun bay dhuuxaysey.

Faadumaa aad u danaysey Faanka maryan la faaniyey, inkastoyan sii hadalla hoos bay iska tuseysey danayntaas.

Hadalkii baa inta caadigaa xirmay la wada seexday. Maryan oo weli go’ii ku duuban baa meel salIi loo dhigay, habrihiina sariiraa lagu kala seexday. Maryan kama dayrineyne way mahadineysey salliga shamiitada yaale aan barkintana lahayn. Dhag baa hurdo iyo daal la yiri. Waagii baa berye, ka hor intaan islaamihii kicin ayaa maryan kacday iyadoo u adkaysan weydey dhawaaqii iyo gariirkii dheeraadka ahaaye magaaladu markay toostay bilowday, meelay aaddo iyo waxay qabatay garan weydey inkastoy kacday hurdadiina ka berdeddey meesheedii bay iska luqmalaabnaatay iyadoo isha ka guluc siineysa ilaa habartii guriga lahayd inta toostay sare kacday oo inta dibadda u baxday inan u shaqayneysaye iyadu kol hore quraac samaysay jikadana dhex fadhida u tagtay kuna tiri, “Naa laba qof quraacdood degdeg u samee”.

Dib ayay isaga soo laabtay markay hadalkii u sheegtay. Waa la wada kaakacay. Quraacdii baa loo soo wada fariistay. Intii la cunayey baa si fiican laysu wada eegay. Habartii guriga lahayd waxaa ku sii weynaadey Maryan quruxdeeda inkastoy si ahayd bushintay hoos uga qaniintay.

Xaliimo oo iyadu ah qof mushtar ahoo rabta inay inta degdeg wax u gadato laabato baa mar alla markay quraacdii cuntay inay baxdo isugu alaab duwatey. Waxay is tustay inay Maryan ciidan u kaxaysato haddana badownimadeedii bay xusuusatay ilaa ay ka

baqday oy istiri armayba kugu dhimataa baabuurina meelahaas ku jiirtaa. Inay meesheeda uga tagtay goosatay. Iyadoo boorsadeedii gacanta ku sidata dhaqaaqana u taagan bay tiri: “Faadumo anigu meelihii wax lagu iibin jirey baan soo marmarayaa waana soo qado doonanayaaye inantii ha sii joogto. Qadada haddaad kowda i weydaan iska qadeeya. Naa adna reerka la sii shaqee.”