Abwaan Camanje AUN

Camanje ayaa safar ku tagay Hargaysa.  Niman ay kaftan wadaag ahaayeen isuna gabyi jireen ayaa damcay inay dabin u dhigaan oo ay meel dad badani isugu yimid oo Maqdarad ama Gaafka aroosyada loo dhigo oo kale ah gabay ugu mariyaan.  Camanje intuu fahmay ujeedkooda ayuu gabay xujo ah oo ay rambasiyey mariyey.  Waxaa ka mid ahaa:   

• Shugra waxay xiddigaha ka badan, sharaf u dheeraatay

• Shaydaan abeesada wuxuu, Xaawo ugu sheegay

• Rabbi uma shafeecee Jannada, waxa shiddii geeyey??

• Shanta kootka iyo qaaligaa, waxa idiin shuumay (court)

• Shawaalkaa lixda ah soonka tegay, shuqulka loo raacshay

• Dad unbaynu wada sheeganee, Shaanqa waxa doorshay

• Haddaad gabayga shaaciri ku tihiin, shiinka ka higaadsha

• Haddii kalase sheekaysanee, shaaha kala doonta