Maryan oo faraxsan baa madaxa ruxdey, meeshiina inta haddiiba lagu kala kacay baa qadosamays la galay. Waa loo dhammaa hawsha qadada Maryanna dacalkeeday haysey iyadoo tacliinteedii cunto kariska halkaa looga bilaabay.
Maalintaasay mar kale adeegtonnimo bilowday. Meeshay horay uga adeegi jirtey iyo tani waxba ma wadaagin. Meel tuulo ama degmo yaroo soo kooban dhan walba bay ahayd tanise waa Xamar oo aad u irdo badan.
Reerku mid sidaa u hawl yar ma aha. Wuxuu ka koobanaa toddoba qof oo joogta ah iyo kor ka socodka oon isna kala go’in habeen iyo maalinna ama imanaya ama tegaya.
Maryan iyadoo miskiintaa aqoonta iyo ilbaxnimada gaaban ah bay u dhar xiratay shaqadii reerkaa. Dhammaan reerku aroortii waa wada foofaa iskool iyo shaqo, habarta cutiga ahee guriga iska dhex joogta maahee. Sida badan Maryan waxay kacdaa aroor walba saacaddu markay tahay shanta ilaa shanta iyo bar. Inkastoy dhib barashadeedii ka martayoo marar badan ku gubatey haddana baratay sida quraacda canjeelada loo sameeyo. Afada guriga lihi aad bay isugu taxalujisay inay Maryan tababarto oy ka faa’iidaysato.
Hawlaha Maryan ee joogtada ah: Shanta aroornimay kacdaa. Dabkay shiddaa. Quraacday samaysaa. Markay diyaar ka dhigto ayay eegtaa saacad meel loogu dhajiyeyee lagula ballamay inay reerka kiciso markay meel laysla yaqaan gaarto, sida badan lixda iyo toban. Markii reerku toose is wada habeeyo ayey quraacda soo dhigtaa. Inta la quraacanayay qolalka hurdada nadiifis iyo tirtirid ugu dhaqaaqdaa. Quraacda marka laga soo jeesto oo la wada foofo bay weelkii quraacda dhaqdaa. Gurigey dabadeed xaaqid u qaddaa. Wixii dhar ahaaye dhiqid loo rabayna intay isku soo gunuddo iyadoo u kala xiraysa dhar ciyaal iyo dhar waayeel bay meel dhigtaa. Waxay soo dhaweystaa dambiilihii maanta suuqa lagaga soo adeegi lahaa ee hilib, dhuxul, bariis ama baasto, khudaar, shaah iyo sonkor iwm lagu soo qaadi lahaa. Markaasay horay u sii baxdaa iyadoo sida badan aan waxba afbilaaban, koob shaaha ah barkii iyo jeex xabbad canjeela ahoo qof hambeeyey maahee wax kalena aan qayb u helin. Magaaladu waa dad iyo gardarro badanayd. Waxaa joogey dhallinyaro aad u edeb daran, oysan marnaba ka nabad gelin. Mid riixa mid wax ka daya, mid isku duuga, mid caaya, mid si xun u eega, mid alaabtay gadan maagto ku dhaca oo ku qaaliyeeya. Culays aad u ballaaran bay ku qabtaa magaalada dhex markeeda. Cuntada markay soo gaddo, bay iyadoo dhididka ka baxayaa dhar dhiqi karayo, daallan, baahan, oo caacsan, dilan ama dhacan soo noqotaa. Dabkay saaka duugtay hadduusan ka demin bay u hurisaa. Cuntaday waddey bay kala dhishaa oo kala dhigtaa, si ay u dhaqdoo u dhardhaarto in yar markay joogtaba koob biya ah oon sida badan nadiif ahayn bay qac ka siisaa illeen waa qof gubatayoo dhidid baxdaye.
Waxay dabkaa ag fadhido oo markay suuga samayso, maray bariis ama baasto kariso, maray hilib kariso amay heemisaba, saacaddaa sida badan waxay gaartaa lixda, lixda iyo barka, kowda iyo kaddib.
Markay hubiso in hawshii karisku isugu dubba dhacday bay dharkii ilmaha soo qaadataa oo iyadoo dabka goonkiisa fadhida dhiqid u goshaa si ay labada hawlood isugu waddo.
Saacaddu markay kowda dhaafto ilaa labadiyo barka ayaa reerka guriga lihi soo horyeeshaa, iyadoo sanka wada taagaya oo iska dhigaya wax daallane naftu ka lulato biyo qabow ee qaboojiye ku jiraa loo kala tartamaa. Marka la fariisanayaa inta lays kala tuuro la wada neeftuuraa, iyadoo la daahsanayo qadada Maryanna la wada hiifayo sugaa.
Waa lays moogyahaye, Maryan iyadu ma latirsatee, qadaday u soo daadisaa. Dhammaan reerku isku miis buu ku qadeeyaa. Maryan iyadu waxay ku hartaa jikada sida badanna qada sidaasa oo digsiga xagtiisa ka badan lama harto, waxayse jeeqaaqdaa waxa reerku hambeeyo oy goor damboy qabowdey afka la dhacdo.
Reerku mar alla markay qadada afka ka qaadaan buu Sariiraha weerar ku qaadaa. Maryanna goobtii shaqee alaabtii cuntadu dhobnayd looga kala yaacaa. Halkaasay alaab dhiqid iyo dhulkii qadadu wasakhaysay nadiifin ugu dhaqaaqdaa. Intiiba saacaddaa waxay tagtaa saddexda ilaa afarta. Mar alla markay ka soo jeensato taas bay haddana u qalab qaadataa dhanka wixii horay dhiqiddiisa. lyadoo weli faraha kula jirta baa sida badan reerka qaar soo kaakacaa casariyaan Maryan weydiiyaa, halkaasay inta ku naxdo dabka u tuurtaa una soo shubtaa, Wixii hara intay termuus ugu shubtey shaqadey kala go’ysey sii waddaa.
Sidii iyadoo u dhex dabaalanaysee dharkii qaar kaawiyadaynaysa qaarkii kalena qallaykiisa sugeysa ayaa inta dhammaan la soo wada toosoo lays wada dhisaa magaaladan daqaqan iyo tamashle loo wada aadaa. Goorahaas makhrib kama tagganoo waa la wada baxaa Maryan oo weli shaqaynaysa iyo duqdii maahee.
Dharka kaawiyaddiisa markay dhammaysay qayb walbana meeshii loo saantay ay ku ogaato bay casha samays u rogmataa. Dab bay inta huriso qaxmiso, wixii la karin lahaa oy u tuurto, wixii dibadda laga dooni lahaa oy u doonto sida sonkor, caano, muufo ama rootiba. Markay dhammaan isku fariisiso bay iyadoon dhimanna noolayn waxay ag fariisataa dharyahay wax ku karineysey. Gamaanyey maara isaga weydaa ilaa ay sidii wadaad xadraynaya madaxa lushoo ku sigato inay afka ciidda darto. Ma yara inta jeere ay afgambi u dhacday, burjikena madaxa gashan gaartey.
Saacaduhu way iska gurmayaan, sida badan inta siddeedda ka dambeysaaa reerku soo hor yeeshaa iyagoo casho doon ah sina u wada gelamaya. Mar mar way jirtaa aan reerkuba bixin, mar mar ay ka dambeeyaan amay ka soo horeeyaanna way jirtaa.
Maryan oon waxba ku noolayn naftuna hareer taal baa inta iyadoo suuxsan sara kacdo cashaday sameysey u qaybqaybisa reerka. Hadbana kii yimaadee casho i sii yiraahda qaybtiisa faraha ka saarta. Wax kasta waxaaba uga daran cashada tafaariiqada loo dhiibayee qof waliba markuu yimaaddo doonayo. Laga yaabee in qaaryimaadaan habeen baramahabeenka barkiisadambeba Maryanna iyadu waa u heegan hawshacasho qaybintaah, in kastoysan wax nool uba ekaynoo si kale u dhaqaaqaayso. Markay doon-
aan ha soo gurigaleene, mar alia markay soo wada hoydaane ay hubsato inay wada casheeyeen bay salli xunee habarta agteeeda u yaal madaxa laabtaa, iyadoo hurdada haysaa ayan waxba duumo ka duwaneyn. Kicinta aroorta xigtee shaqo bilowga waxaa loo xilsaaray si habsami ahna u gudato hooyada (Habarta) oo iyadu duq aad u waayeel ahee horayna jirrooley u ahaan jirtey hurdaduna kuba yarayd. Habarta iyo Maryan isku meel bay seexdaan oo habarta dhib kuma aha inay Maryan toosiso mar alia markii loo baahdo ama loo xilsaaro.
Afar iyo labaatanka saaca maalinta Maryan waxay shaqayn jirtey ugu yaraan toban iyo lix saac. Shaqaday dhiibi jirtey waa mid qiyaasteeda laga wareero marka waqtiyada shaqada caadiga ah la eego.lnta waxaa dheeraa iyadoon haddana garan awooddeeda shaqo aad iyo aad loo dhoco loona dulmo. Shaqaday qabatiyo lacagtay qaadataa wax sinaba wax uga dhexeeyaan ma ahayn.
Toban iyo lix saac oo shaqo ah iyoafartan ama konton shilin oo mushahaar ah.!!!
Kol dhowr beri ka soo wareegtey shaqo bilowgii Maryan ayaa maalintii dambe Sagal soo booqatay Maryan iyadoo is-lahayd mar iska soo bariidi mar kalena aad ogaatid meeshay wax marisay.
Gooray casar gaabane dadkii wada baxay tahay bay soo laab- atay Sagal, “Hoodi, ma la soo geli karaa” bay tiri.
“Hooddeyn, yaa waaye ? Soo dhaaf”, Maryan baa tiri. Sagal baa soo gashay. Mar alia markii lays arkay baa laysku soo boodey salaan kululla lays dhaafsaday.