Q-37aad taxanihii adeegto

Photo by Laker on Pexels.com

Dadkii meelaha ka dhawaa oo dhami way garteen sababta baabuurka loo joojiyey kaddib markii daymooyinkooda la arkaye loo fiirsaday. Gabdhuhu sidoo kale way garteen in Maryan la rabo. Shacni baa inta is mooddey isu dhaqaajisey kooxdii baabuurka lamase arag. “Kaalay miyaa waalatay, meeyey qofkaad sheegeysey muu yimaaddo” daraawalkii baa yiri. “Miyeynan ahayn in aynu qaadno qofta halkaa taagane inta cusaybkii ka batay cagaha dhulka ku hayn la”. Waxaan filayaa inay habboon tahay intaan la inooka hor marin inaan hantino”, kii horay baabuur u joojiyay oo si indhaha Maryan ula raacaya ayaa yiri. Mid kaloo horayba ugu maqnaa Maryan baa isagoon hadlin baabuurkii ka soo boodey, “Abbaaye soo bax aan ku sii dhoweynee”. Maryan isha waa ku haysey ninka baabuurka ka dagayee tannaagoonaya marnase waxaysan meesha keenin inuu iyada la hadlayo. Waxay u haysatey gabadha kalee goobta dhooban mid midoo uu yaqaan inuu la hadlayo. Badiba gabdhaha meesha joogaa way wada fahmeen Maryan in la sugayo. In la sugayo qaar badan baa ka masayrsan. Inankii oo jiciir haysataa mar kale hadalkii ku celiyey, “Abbaaye soo bax aan ku sii dhaweeyee, mise waaba mid dheg la”.

Shacni baa inta is qaadday tiri, “Naa ina keen ha ina dhaweeyaane” Horay u soo dhaqaaqday markaasaa inankii si jeesjeesa u yiri, “Naa adiga maahee waa tan xaggaa kaa xigta”.

Nuurtoo ag taagnayd Sagal baa inta Sagal garabka ka taabtay tiri, ma tan? “Mayee tan kalee ku sii xigta”. Inantii Sagal oo og ujeeddada baa Maryan ku sii tiri”, war ma tan?”.

Dhammaan intii baabuurka fuushaneyd baa isku mar sidii iyagoo hees hoobinaya waxay wada yiraahdeen, “Haye! waxaasaa cusayb ah” isku mama gacanta u wada haadiyeen iyagoon is ogeyn.

Dadkii meelaha dhoobnaa baa yaabey wiilasha mamaanaantooda. Laba odayoo meesha taagan baa mid yiri, “War maxaa la fasahaadey maantana ma heerkanaan joognaa iyo in aynu suuqa isku baayacsano”, “Ma xuma,” kii kalaa yiri.

Maryan oo wixii dhacay la wada socotey hadalka odayaduna dhegta ugu dhacay baa isku qabowdey waxay yeeshana garan weydey. Shacni baa inta soo booddey Maryan gujisey oo tiri, “Naa maqal intaad u tagtid baabuurka ku jeclaaday waxaad ku tiraahdaa waannu badannahaye na qaada”.

Maryan waxayba u qaadatay shirqool iyada loo sameeyey oy gabadhan iyo nimanka baabuurka wataa u wada dhan yihiin.

Mar kaliyey goosatay inay dib iyo gurigay ka timid u noqoto. Toos bay cagaha wax uga dayday. lyadoon cidna la hadlin.

Meeshii baa waxaa ku soo haray saddexdii kale. Waa lays wada dhugtey. “Naa tag mar dabena alla nama kaa tusee”. “Naagtu waaba ina qabsataye. Miyedinaan arkeyn? Hadda wallaahay waxaynnu ku sigannay inay neefta ina ku celiso. ” Nuurtoo neef tuuraysaa tiri. “Wallee fursad baa ina dhaaftay”, Shacniyoo Maryan sii eegaysaa tiri. 

“Naa iska aamus wixii kugu dhacay waad maqlaysaye, adigu goormaad wax garataa?” Sagal baa iyana tiri.

“Iska daa carruur baad weli tihiine,” Shacniyoo qoslaysaa tiri.

“Intiiba Bas baa yimid waana la raacay. Wiilashiina way tageen iyagoo bushinta hoos ka qaniinsan Maryanna weli dib u sii eegaya.

Maryan iyadoo yaxyax iyo ciil la socon la’ bay waxay sii luuddoo tillaabadu ka sii qasnaataba gurigay ka soo daqaqantay dib ugu laabatay. Ay garaacday maahee haddiiba irriddii baa laga fag siiyey. Qofka ka furey waxaad mooddey inuu irridda ku sugayey. Waa habartii oo sidiiba meesha iska taagtaagneyd dantay ka lahaydna ahayd yaadan irridda garaaceeda maqli waayin haddaad kadheeraatid. Habartu gabow darti may dhega fiicnayn, tan kale soo kaakaca badan bay ka wahsaneysey.

Habartii baa irriddii furtay. Ishay Maryan ku dhufatay. Waxay aragto markaa waxay u jeclayd iyada. Intay aad u faraxday oo soo noqoshada Maryan u bogtey bay tiri, “Allaylehe ducadaydii baa la aqbalay. Ma soo dhammaysatay hawshaad u baxday mise dib baad u noqonaysaa?” “Maya waan joogayaa. Waxaan soo dhammaystay ma jiraane naftaydaan la soo cararay”. Maryan oo intii hore dhaanta baa tiri. “Inaad naftaada la soo cararaysid waa maleynayey. Innagayna taasi dan inoo tahaye ogsoonow. Haddaadan naftaada u baqin waa laguu baqaa, weliba adigu baraad dheertahay dadka intiisa badan,” habartii oy waaniyo dan sheegad ka tahay baa tiri.