ARAR GABAY

Indhaweydba caynleyda gabay waan caddayn jiraye

Anigoo ciyaalaan Xarfaha caarif ku ahaaye

Eegana cirraa laygu xaman inaan caddaadaaye

Bal aan soo cuskado caawa waa camalladaydiiye,

Casaankii daruurtiyo cirkoo hooray baan ahaye

Cadceed subixi joogtaan ihi caadka oo kale’e

Cosob geed ku yaallaan ihiyo caarad iyo dooge

Webiyaal cartami iyo baddoo caalin baan ahaye

Ciidagalaha hoosiyo abees caarran baan ahaye

Qodaxdoo ciddida kaa muddoo caabuqdaan ahaye

Wiyil caaggan baan ahay libaax coof la yuurure’e

Maroodiga cidlada daaqi ee cubuska ruugaaya

Ninka yidhi anaa ceel ka shubi waa cod aan jirine

Caqligaygi baa diiday oo ma citiraafaayo

ABWAAN SALAL