Sheeko

Sheeko dhab ah oo aad u qosol badan. Akhri sheeko qosol badan ayaa Waxay dhex martay Hooyo labo wiil dhashay ama Leh iyo nin

xiligaas ay is baranayeen ama is shukaansanayeen.

Sheekaad ayaa waxay ku bilabaneysaa sidaan; Hooyada labada wiil dhashay lakin la soo furay ayaa dugaan wax ka soo iibsaneesay, nin

 ay horey isku garanayeen ayay isku arkeen dugaanka, Lakin ninka waxuu ogaa oo kaliya in laguursaday lakin muusan ogeyn ama ma maqlin in ay caruur dhashay oo ay leedahay. Waa ay isasalaameen, Waxayna u sheegtay in ay madax banaan tahay. Markaasuu ku yidhi oo maa lagu furay? Marakasay tiri haa, balse kuma aanan khasaarin guurkaygii oo laba nin baan leeyahay haddii uu i furayna calafkaa na kala geeyay. Labada nin ayaa i anfacaya, kuwaas ayaa wax i taraya. Ninkii waa uu yaabay, maxaad sheegaysaa ayuu dhahay. War miyaad waalatay maxaad ku hadleysaa.

Hooyada labada nin dhashay ayaa mar labaad soo boodday waa run ma qasaarin oo laba nin oo labaatan jirra ah ayaan leeyahay ayey ku

dhahday. Ninkii waa uu yaabay iska aamus ayuu ku dhahay wax fiican kuma hadlayside. Wallaahi hadal fiican ayaan ku hadlay ayay dhahday, ee ku farax hadalka aan kuu sheegay. Maxaan ku farxaa ayuu dhahay waaban yaabbanahay ayu dhahay, war farxad leh miyaadba ii sheegtay ayuu dhahay, hadal aan ka naxay oo aan ka yaabo oo kaliya ayaadba ii sheegtee ayuu dhahay. Ninkii oo yaabban oo ayaa waxaa soo kala dhexgalay ninkii dukaanka, oo yidhi maxaad isku haysatiin? Ninkii yaabbanaa ee naxsanaa ayaa soo booday, gabadhan hore ayaan isku garanaynay, haddana waan isasalaanay, maalin dhexdaas ah ayaan maqlay in ay guursatay, waxayna ii sheegtay in la soo furay balse ay leedahay laba nin oo labaatan jirro ah. Ninkii dukaanka lahaa ayaa soo booday oo yidhi; waxay ka waddaa laba wiil ayaan dhalay, oo guurkii kuma qasaarin. Ninkii yaabbanaa baa yidhi, haa, may sidaa farwaaweyn wax noogu dhigto.

Mahad juneen